Wednesday, August 6, 2025

Dhamaadka Ciyaarta:Sidee Federaalku uhantay Waqooyi Bari Dagaal La’aan?

Muqdisho, (Dawan) – 800km oo xeeb ah. 68% dhulkii Somaliland sheegan jirtay. 44.1% dhulka Puntland. 17 xildhibaan oo heer federaal ah. 26 xildhibaan oo heer gobol ah.

Tirooyinkan ma aha kuwo mala’awaal ah—waa xaqiiqooyin culus oo ka dambeeyay dhulgariirka siyaasadeed ee horseeday dhismaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya. Sool iyo Sanaag, muddo dheer waxay ahaayeen dhul lagu muransanaa oo la hilmaamay—Puntland iyo Somaliland labaduba way sheegan jireen, balse midna si dhab ah uguma adeegin. Maanta, waxay dib u qeexayaan khariidadda awoodda Soomaaliya, iyaga oo si rasmi ah ula safanaya Dowladda Federaalka, isla markaana jebinaya heeryadii awood qaybsiga siyaasadeed ee hore u jirtay.

Marka tirooyinkan la isu geeyo, waxay sheekada u rogayaan mid si qoto dheer wax u muujinaysa.

Xisaab Siyaasadeed oo Dib Loo Qoray

Ka bilow 44.1%—waa boqolkiiba dhulka Puntland ee ay Sool iyo Sanaag ku matalaan. Deegaannadaas waxay ahaayeen ilaha kuraasta Baarlamaanka Federaalka ee Puntland lagu xisaabin jiray—48 kursi oo ay Puntland haysato, 17 ka mid ah hadda waxaa la filayaa in lagu soo xulo nidaamka cusub ee Waqooyi Bari, taasoo micnaheedu yahay in Puntland ay lumin doonto in ka badan saddex meelood meel awooddeedii Baarlamaanka.

Sidoo kale, 26 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo kasoo jeeda Sool iyo Sanaag, ayaa door weyn ku lahaa doorashooyinka Garowe. Waxay mar walba ahaayeen “isbahaysi” dhexdhexaad ah, maadaama aysan lahayn musharrax Madaxweyne oo iyaga u taagan.

Hadda oo ay u wareegayaan maamul cusub, Puntland waxay luminaysaa codadkii dhexdhexaadka ahaa ee ay ku tiirsanayd, waxaana Madaxweyne Deni uu wajahayaa xaalad siyaasadeed oo adag—ma hayo codadkii, ma hayo xulafadii, mana hayo xasiloonidii.

Dhanka Somaliland, khasaaruhu waa mid aad u culus. Sool iyo Sanaag waxay matalaan 68% dhulka ay sheegato iyo ku dhowaad 24% dadka ku nool, balse waxay leeyihiin kaliya 6 xildhibaan oo ku jira Baarlamaanka Hargeysa. Bixitaankoodu ma aha oo kaliya khasaaro dhuleed iyo dad—wuxuu burburinayaa doodii sharciyadda Somaliland ee dunida horteeda. Haddii Somaliland ay ku dhisnayd mabda’a xasilloonida iyo oggolaanshaha shacabka, kabixida deegaannadan waxay la mid tahay khilaaf sharciyadeed oo si weyn u dhaawacaya sumcadda ay ku raadineysay aqoonsi caalami ah.

Dowladda Federaalka oo Dib Ula Wareegtay Maamulkii Xeebta

Juquraafi ahaan, Waqooyi Bari waxay Dowladda Federaalka siineysaa gacanta 800km oo xeeb ah oo ku teedsan Gacanka Cadmeed. Waa aag istiraatiiji ah oo muddo dheer ahaa meel lagu muransanaa. Maanta, Dowladda Dhexe waxay si sharci ah gacanta ugu haysaa qaybtaas badda ah, taasoo fure u noqon karta horumarinta dekedaha, sugnaanta badda, iyo dhaqaalaha xeebaha.

Degmada Laas Qoray waxay bixineysaa iftiin gaar ah. Deked badeed taariikhi ah, ahaydna xarun kalluumeysi, waxay noqon kartaa xarun cusub oo istiraatiiji ah oo looga faa’iideysto ganacsiga Gacanka Cadmeed. Iyada oo Turkigu doonayo in uu saldhigyo ka sameysto meel u dhow Badda Cas, xiriirka dhow ee uu la leeyahay Villa Somalia wuxuu Laas Qoray ka dhigi karaa meel maalgashi, ganacsi, iyo xiriir marin badeed mustaqbalka.

Intaa waxaa dheer, gobolka wuxuu hodan ku yahay kheyraad dabiici ah—macdano aan la taabanin, taasoo ka dhigan in Waqooyi Bari aysan noqon doonin oo kaliya guul siyaasadeed—balse sidoo kale ay noqon karto xudun dhaqaale.

Dowladda Federaalka oo Qaadatay Khatar Huwan La Xisaabtan

Waxaa xusid mudan in Dowladda Federaalka aysan abuurin Waqooyi Bari—balse ay aqoonsatay. Ma aysan maalgelin kacdoonkii Laascaanood, mana aysan bilaabin dhaqdhaqaaqii siyaasadeed. Balse waxay ahayd dawlad akhriday xaalada—oo maal-gelisay fursaddaas.

Villa Somalia waxay cadaadiskii shacabka u beddeshay horumar dastuuri ah. Ma aysan isticmaalin xoog ama heshiisyo qarsoon—waxay adeegsatay sharciyad iyo aqoonsi. Tallaabadaasi waxay siineysay deegaannada la dayacay fursad ay ku noqdaan qeyb ka mid ah midnimada qaranka.

Waa tallaabo aan kaliya keenin dhul cusub, balse sidoo kale dhistay kalsoonida shacabka Waqooyi, ballaarisay federalism-ka, kuna guuleysatay inay si siyaasadeed u garaacdo mucaaradkii gobolkaas uga dhawaa.

Siyaasadda Qabiilka oo Isbedelaysa

Doodaha ku dhisan beeleysiga siyaasadeed waxay hadda u wareegayaan waji cusub. Dowladda Federaalka waxaa lagu eedeyn jiray in ay tahay “xero Hawiye”, iyada oo la sheegayo in aysan wax tixgelin ah siinayn beelaha kale sida Daarood—gaar ahaan Deni iyo Madobe. Balse hadda, miiska waxaa fadhiya dowlad goboleed ay Daarood ku badan yihiin taasoo si buuxda ula midowday mashruuca federaalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo markii hore lagu tilmaami jiray mid aan awood lahayn, wuxuu maanta u muuqdaa halyay Daarood ah—mid furay isdhexgalka u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo beelaha uu kasoo jeedo. Siyaasaddiisa waxay faa’iido u tahay dhammaan hay’adaha dowladda, gaar ahaan arrimaha muddada dheer xayirnaa sida maqaamka Banaadir.

Hadda oo Jubbaland, Puntland iyo Waqooyi Bari ay miiska joogaan, Dowladda Dhexe waxay heli kartaa codsiyo ay ku suurtagelin karto isbeddel: in Banaadir noqoto dowlad-goboleed rasmi ah, in Dastuurka la dhammeystiro, iyo in maamulka degmooyinka si buuxda loo hirgeliyo.

Fursad—iyo Digniin

Weli lama joogo waqti la dabaaldego. Waa in la xasuusnaadaa in Waqooyi Bari ay tahay tijaabo geesinimo leh—dowladdu waa in aysan noqon mid ku koobnaata war-saxaafadeed. Waa in ay bixisaa adeegyo: amni, waxbarasho, caafimaad, garsoor, iyo hoggaan daahfuran.

Waxaa jira khataro siyaasadeed oo soo muuqda: warar ayaa sheegaya in siyaasiin kasoo jeeda Waqooyi Bari balse hadda ku sugan Garowe ama Hargeysa ay ka labalabeynayaan in ay la saftaan maamulka cusub. Haddii ay doortaan in ay ku negaadaan meeshii hore halkii ay taageeri lahaayeen hoggaanka cusub, waxay dhaawici karaan midnimada gudaha iyo sharciyadda maamulka cusub.

Somaliland waxay u baahan tahay inay ka fiirsato fariintan: Aqoonsi lama helayo haddii dadka gudaha la dayaco. Dhaqdhaqaaqii bilaabmay 1991 si uu caddaalad u raadiyo wuxuu noqon karaa cashar haddii dib-u-habeyn gudaha ah la diido.

Puntland-na waxay joogtaa meel ay go’aan ka gaari karto—ama waa inay iska caabin samaysaa, taasoo keeni karta go’doon siyaasadeed, ama waa inay is-habeyn samaysaa, si ay dib ugu noqoto saaxadda siyaasadeed ee Federaalka Soomaaliya.

Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya waa ka weyn yahay maamul cusub oo federaalka kusoo biiray. Waa afti ku saabsan ka mid noqoshada, geesinimada siyaasadeed, iyo digniin u diran cid kasta oo u maleysay in codadka bulshooyinka la duudsiyay aysan waligood yeelan doonin midnimo.

Soomaaliya kuma hanan Waqooyi Bari iyadoo adeegsaneysa xoog—waxa ay ku hanatay aqoonsi sharci ah. Waana taas guusha ugu weyn ee federalism-ku gaari karo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here