Muqdisho, Soomaaliya – Hoggaamiyaha Dowlada Goboleedka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, iyo wafti balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Caasimadda Soomaaliya, Muqdisho.
Soo dhaweynta oo ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Federaalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Muqdisho ayaa ka mid ahayd dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo SSC-Khaatumo.
Cabdiqaadir ayaa sheegay in imaanshihiisu uu salka ku haayo ka qayb galka shirka Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo tilmaamay in tani ay tahay markii ugu horeysay ee SSC-Khaatumo si rasmi ah uga qayb gasho kulankan oo lagu wado in uu berri ka furmo Muqdisho.
Isagoo ka mahadceliyay soo dhaweynta, ayuu sidoo kale xusay in xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac uu muhiim u yahay horumarka iyo nabadda dalka.
“Walaalnimada iyo isku duubnida Soomaaliyeed ayaa ah waxa aan ugu mahadcelinayno shacabka iyo masuuliyiinta Muqdisho,” ayuu yiri Cabdiqaadir.
Ka-qaybgalka SSC-Khaatumo ayaa yimid kaddib markii bishii la soo dhaafay si rasmi ah loogu aqoonsaday dowlad-goboleed ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.