MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu waaweyn ee mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan siyaasadeed muhiim ah, kaas oo ka dhacay guriga Macallin Nuur ee ku yaalla agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya. Kulankaan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka soo socda, dib-u-eegista dastuurka, iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Hoggaamiyeyaasha la filayo inay kulanka ka qaybgalaan waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo Xasan Cali Khayre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyo wasiir hore iyo hoggaamiyaha dariiqada Sufi Cabdulqadir Macallin Nuur.
Kulankan ayaa imaanaya xilli labada Ra’iisul Wasaare ee hore, Khayre iyo Sharma’arke, ay shalay si rasmi ah u yimaadeen magaalada Muqdisho, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Xubnahan Maanta kulmaya ayaa qeeb ka ahaa xubno badan oo mucaaradka ah oo horey u soo saaray war-saxaafadeed ay si wadajir ah, iyaga oo ku dhawaaqay in Madasha Wadatashiga Qaran ay dhimatay, islamarkaana dalka uu galay xaalad siyaasadeed oo qasan, iyaga oo ku eedeeyay Madaxweynaha in uu ku guuldarreystay inuu mideeyo saamileyda siyaasadeed, lagana waayay hoggaan isu keenaya shacabka iyo siyaasiyiinta dalka.