Gursum (Dawan) – Degmada Gursum ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ka socda mashruuc bulsho oo diiradda saaraya yareynta saboolnimada iyo abuurista shaqooyin, iyada oo loo marayo taageero xoolo-dhaqasho iyo horumarinta beeraha.
Ururka Horumarinta Soomaalida, oo kaashanaya Mastercard Foundation, ayaa shirkado yar-yar ku sugan Xaafadaha Dhagaxle iyo Bambaas ee Gursum ku wareejiyay 323 neef oo ari ah iyo in ka badan 600 oo digaag ah Axaddii. Qaybtan cusub ayaa lagu xoojinayaa wax-soo-saarka iyo horumarinta nolol maalmeedka bulshada.
Khadar Axmed Caaqib, ku-xigeenka maareeyaha Ururka Horumarinta Soomaalida, ayaa sheegay in barnaamijku galay sanadkiisii labaad, kaddib markii uu ka gudbay tijaabooyinkii hore. “Mashruucan hadda wuxuu galay sanadkiisii labaad, oo tijaabadii wuu ka baxay. Guud ahaan sanadkan waxaa ka faa’iideysanaya dad dhan 4,500 oo ka kala yimid afar degmo,” ayuu yiri.
Toban shirkadood oo horey loo dhisay, kuwaas oo tababaro ku saabsan maamulka iyo dhaqaalaha soo maray, ayaa loo xushay inay maamulaan xoolaha iyo digaagga. Masuuliyiinta mashruuca ayaa tilmaamay in habkan loo marayo uu xoojinayo adkeysiga bulshada isla markaana gacan ka geysanayo yareynta saboolnimada muddo fog.
Bulshada deegaanka iyo shirkadaha deeqda helay ayaa dhankooda sheegay in mashruucu durba wax ka beddelay nolosha dadka, oo keenay fursado shaqo iyo xasillooni dhaqaale.
Masuuliyiinta mashruuca ayaa intaas ku daray in Mashruuca Horumarinta Soomaalida uu xooga saarayo xanaanada xoolaha, horumarinta beeraha iyo farsamaynta dalagyada, kuwaas oo ay sheegeen in ay yihiin laf-dhabarta abuurista shaqooyinka dhalinyarada iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka.