Hiiraan(Dawan) – Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Show ee gobolka Hiiraan lagu dilay Cabdulaahi Dalab “Caamir”, oo ay hay’addaasi sheegtay inuu ahaa horjooge ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana loo aqoonsanaa madaxii amniga maamulka Hirshabeelle.
Sida ay NISA ku warrantay, howlgalka ayaa waxaa iska kaashaday hay’adaha amniga Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka, iyadoo weli aysan war rasmi ah ka soo saarin saraakiisha AFRICOM oo sidoo kale lala xiriirinayo howlgalkaasi. Faahfaahinta sida uu u dhacay howlgalka ayaa weli lama shaacin.
Howgalkaan ayaa qayb ka ah howgalada hay’adaha amniga Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah ay ka fulinayaan deegaanada iyo goobaha ay ku suganyihiin al-shabaab.