Sunday, August 17, 2025

Hay’adda socdaalka iyo INTERPOL oo Kala Saxiixday Heshiis Lagu Xoojinayo Sugidda Xuduudaha iyo Amniga Socdaalka

Muqdisho (Dawan ) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala saxiixday habraac lagu dhaqan-gelinayo heshiiskii is-afgarad (MoU) ee labada dhinac ay ku kala saxiixdeen bishii Janaayo 2025, kaasi oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga dhinaca amniga socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha dalka.

Heshiiskan cusub ayaa waxaa u kala saxiixay Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi. Munaasabadda saxiixa ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya hay’adaha qaranka iyo kuwa caalamiga ah si wax looga qabto caqabadaha ammaanka ee sii kordhaya.

Masuuliyiintu waxay tilmaameen in heshiiskan uu si gaar ah u hagayo wada shaqeynta labada dhinac ee la xiriirta sugidda xuduudaha, la-dagaallanka dambiyada abaabulan, ka hortagga socdaalka sharci-darrada ah, iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada khataraha ku ah amniga qaranka. Waxa kale oo lagu heshiiyay in la ballaariyo xog-wadaagga, la sameeyo tababaro lagu dhisayo awoodda ciidamada socdaalka iyo booliiska, iyo in si dhow loogu shaqeeyo howlgallo wadajir ah oo lala yeesho hay’adaha amniga caalamiga ah.

Heshiiskan ayaa loo arkaa mid kaalin weyn ka qaadan doona dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto dhismaha awood ciidan oo casri ah iyo xoojinta iskaashiga amni ee caalamiga ah, taas oo sare u qaadi doonta sumcadda dalka iyo kalsoonida ay bulshada caalamka ku qabaan hay’adaha amniga Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here