Boosaaso(Dawan) – Mas’uul sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Dawan in hubka iyo gaadiidka gaashaaman ee saarnaa markab calanka Turkish-ka sita oo lagu qabtay xeebaha Puntland ay leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mas’uulka, oo codsaday in magaciisa aan la shaacin sababo la xiriira xasaasiyadda arrinta, ayaa caddeeyay:“Shixnadda waxaa lahayd dowladda, balse waxaa lagu raray markab ganacsi oo si gaar ah loo leeyahay.”
Markabka Turkiga ayaa la sheegay in cillad farsamo ay soo wajahday xilli uu marayey biyaha Soomaaliya, taasoo keentay inay soo farageliyaan ciidamada badda ee Puntland. Saraakiisha ayaa markabka fuulay waxayna soo duubeen muuqaalo muujinaya gawaarida gaashaaman (APCs) oo ay ku xardhanyihiin calanka Turkiga—sawirradaas oo tan iyo markaas si weyn ugu faafay baraha bulshada.

Sida laga soo xigtay ilo amni oo gobolka ah, waxaa socda wada-hadallo ku saabsan in markabka loo jiido dekad ku taalla Puntland. Isla ilo wareedkan ayaa sheegay in markabku u socday magaalada Muqdisho, halkaas oo Turkigu ku leeyahay xarun tababar ciidan iyo joogitaan milatari oo sii kordhaya bilihii u dambeeyay.
Weli lama caddeyn in qalabkan loogu talagalay saraakiisha Turkish-ka ee jooga Soomaaliya, mise waa hub loogu talagalay ciidamada Soomaaliyeed ee Turkigu tababaray.
Kulan ay dhawaan yeesheen Wasiirada Difaaca ee Bariga Afrika ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi waxa ay warfidiyeennadu wax ka weydiiyeen sida ay wax u dhaceen balse waa uu ka gaabsaday.
Xaqiijinta ah in hubka uu yahay mid dowladeed balse si qarsoodi ah loogu raray markab ganacsi ayaa dhalisay su’aalo adag oo ku saabsan hufnaanta iyo isku xirka u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo maamullada goboleedka.
Puntland weli war rasmi ah aysan ka soo saarin.