Jabuuti (Dawan) – Urur-goboleedka IGAD ayaa taageeray heshiiska ay gaareen 25-ka Agoosto 2025 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, kaas oo ay ku tilmaamtay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday mideynta iyo dib u heshiisiinta dalka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Arbacadii, Xoghayaha Fulinta IGAD Workneh Gebeyehu ayaa soo dhaweeyay heshiiska, isagoo ammaanay hoggaaminta iyo go’aanka siyaasadeed ee dhinacyada saxiixay. Waxa uu ku bogaadiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamintiisa iyo sida uu uga go’an yahay inuu dalka ku hogaamiyo nabad iyo is-dhexgal.
“Heshiiskani waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xasillooni, mideyn iyo dib u heshiisiin Soomaaliya. Wadahadalka iyo is-afgaradka joogtada ah ayaa weli muhiim u ah nabad waarta, dhismaha dowladnimo iyo isbeddel dimuqraadi ah,” ayuu yiri Workneh.
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, oo ahayd madal mucaarad xooggan ku ah dowladda gaar ahaan arrimaha dib-u-eegista dastuurka iyo awood-qaybsiga, ayaa qayb ka mid ah heshiis la gashay dowladda, waxaana lagu heshiiyay in dib loogu laabto qodobo ka mid ah dastuurka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.
Inkasta oo dhammaan garabyada Madashu aysan ku jirin heshiiska, haddana taageerada IGAD ayaa ah taageeradii ugu horreysay ee gobolka oo ku aaddan heshiiskaan.
IGAD ayaa ku baaqday in dhammaan dhinacyadu ka daydaan heshiiskaan si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo dhamaystiran, iyadoo ku adkaysay muhiimadda wadaxaajoodka iyo isu-tanaasulka.
Workneh ayaa xaqiijiyay in IGAD ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhex-dhexaadinteeda iyo iskaashiga dhow ee ay la leedahay hoggaanka iyo shacabka dalka si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo horumar.