Monday, September 15, 2025
Array

Imtixaanka dugsiga sare ee DDS sanadkan, 3% ayaa ka gudbay ardaydii u fadhiisatay imtixaanka.

Jigjiga (Dawan) – Natiijooyinka imtixaanka 12aad ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo shalay la shaaciyey ayaa waxaa baasay wax ka yar 500 oo arday iyada iyada oo ay imxitaanka u fariisatay in badan 16 kun.

Sanadkaan ardaydi gashay imtixaanka waxaa baasay kaliya 3 boqolkiiba, iyada oo korortay 76 boqolkiiba sanadki hore, dabcan waxa ay u muuqataa mid mid lagu wareeri karo, bal aan si fudud u sharaxno.

Sanadkii 2016 ee taariikh tirsiga Itoobiya Dowlad deegaanka waxaa imtixaanka galay 22, 683 arday waxaana baasay 263 arday oo u dhiganta 1.2 boqolkiiba inta gashay sanadkaas. 2017 oo isla shalay lagu dhawaaqay natiijadiisa, waxaa baasay 462 arday oo ka mid ah 16,779 arday oo I fariistay imtixaanka, oo celceskana noqotay 3 boqolkiiba ay baaseen. Marka labada sano lays barbardhigana waxa ay noqoneysaa koror dhan 76%.

Maamulka dowlad deegaanka waxa ay u arkaan guul ku timid dadaal Dheere ah oo ay galiyeen ardayda, iyaga oo dhowr jeer ku celceliyay in ay wax badan ka badali doonaan heerka ardayda ee imtixaanka qaran ee Itoobiya u fariisata.

Mas’uuliyiinta waxbarashada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ballanqaaday inay sii wadi doonaan dadaalkooda si loo horumariyo tayada waxbarashada, iyagoo rajeynaya inay sii xoojiyaan horumarkan sanadaha soo socda. Horumarka muuqda ee sannadkan wuxuu bixiyay rajo wanaagsan oo ku saabsan mustaqbalka ardayda gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here