Qasa waxaa mar kale ka dhaqan gali doono heshiis xabad-joojin ah inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.
Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay aqbashay xabad-joojin ku-meel-gaar ah oo laga dhaqangelin doono Marinka Gaza inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan iyo ciidda Yahuudda ee Passover. Go’aankan ayaa yimid saacado kadib markii wejigii koowaad ee xabad-joojinta la filayay inuu dhammaado.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in heshiisku dhigayo in kala bar la haystayaasha Israa’iil ee Gaza ku sugan, kuwa dhintay iyo kuwa noolba, la sii daayo, halka inta hartaynalasii deyn doono marka la gaaro xabad-joojin rasmi ah.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, uu soo jeediyay in xabad-joojinta la kordhiyo si loo helo waqti dheeri ah oo lagu sii wadahadlo si loo gaaro heshiis nabadeed oo rasmi ah.
Bayaanka Israa’iil ayaa xusay in heshiisku ogolaanayo in 42 maalmood kadib dagaalka dib loo bilaabi karo haddii wadaxaajoodyadu aanay horumar sameynin.
Ilaa hadda, Xamaas, dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qatar, iyo Witkoff kama aysan hadlin bayaanka Israa’iil. Si kastaba ha ahaatee, afhayeenka Xamaas Hazem Qassem, ayaa horey ugu sheegay wakaaladda wararka Anadolu in Xamaas ay ka go’an tahay hirgelinta dhammaan wejiyada heshiiska.
Heshiiska xabad-joojinta iyo is-dhaafsiga maxaabiista ayaa Janaayo ilaa hadda hakiyay dagaalka xasuuqa ah ee Israa’iil ka waddo Gaza, kaas oo lagu dilay in ka badan 48,360 qof, intooda badan haween iyo carruur, halka kumanaan kale ay ku dhaawacmeen.