By Sayyid Omar
Muqdisho, Juun 13, 2025 – Israel ayaa xalay qaaday duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Iran, sida ay baahisay Idaacadda Ciidamada Israel. Duqeymahan ayaa si gaar ah u beegsaday xarumaha horumarinta barnaamijka nukliyeerka Iran iyo awooddeeda gantaallada ridada dheer.
Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyay in la duqeeyay xarunta muhiimka ah ee tayaynta nukliyeerka ee Natanz iyo xarumo la sheegay in ay ku shaqeynayeen saynisyahanno hormuud u ah mashruuca hubka nukliyeerka Iran, iyo sidoo kale barnaamijka gantaallaha ballistic-ga.
“Waxaan bilownay howlgal lagu fashilanayo barnaamijka nukliyeerka Iran… Hadafka hawlgalkan aan hore loo arag ayaa ah in la duqeeyo xarumaha Nukliyeerka Iran. Waxaan ku jirnaa waqti xasaasi ah taariikhda Israa’iil — Iran wali waxay leedahay awood ay nagu garaacdo, taasna waanu u diyaargarownay,” ayuu yiri Netanyahu.
Israa’iil ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah guud ahaan dalka, waxayna gabi ahaanba xirtay hawadeeda iyadoo duulimaadyadii caalamiga ahaa loo weeciyay dalal kale, sida ay shaaciyeen warbaahinta Israa’iil.
Dhinaca Iran, warbaahinta dowladda ayaa xaqiijisay dhimashada saraakiil ka tirsan ciidanka Iran, isagoo soo qaatay magacyada xubnaha lagu dilay weerarka Israa’iil inuu ku jiro Jen.Gholam Ali, oo ahaa taliyaha xarunta Khatam al-Anbia ee ciidamada qalabka sida, halka magaca kale ee laga sheegay telefishanka Iran uu ahaa Mohammad Mehdi Tehranchi, oo ahaa madaxii jaamacadda Islamic Azad.
Sidoo kale, Telefishinka dowladda Iran, ayaa xaqiijiyay Israa’iil ay beegsatay qaar ka mid ah xarumaha nukliyeerka Iran oo ay ku jirto xarunta Natanz, balse laguma xaqiijin warbixinta in bambooyinka Israa’iil ay gudaha u galeen ama khasaare gaarsiiyeen nidaamyada nukliyeer ee xarumahaas.
Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Imam Khomeini ee magaalada Tehran ayaa gabi ahaanba la hakiyay dhammaan duulimaadyadii, sida ay shaaciyeen warbaahinta dowladda Iran.
Labada dal ayaa maalmihii la soo dhaafay muujinayay feejignaan ciidan oo xooggan, iyadoo warar la helayo ay sheegayaan in Iran ay diyaarsatay qorshayaal jawaab ah oo ay ku bartilmaameedsanayso dhul ay Israel leedahay, iyadoo la adeegsanayo gantaallo ballistic ah.
Dhaqdhaqaaqan cusub ee militari ayaa cabsi weyn geliyay Bariga Dhexe, iyadoo beesha caalamka ay si dhow ula socoto saameynta uu yeelan karo dagaalkan cusub oo u dhexeeya laba ka mid ah quwadaha ugu awoodda badan gobolka.