Thursday, December 26, 2024

Itoobiya oo Beenisay Eedeymaha ku Saabsan Weerarka Doolow

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay si adag ugu beenineyso eedeymaha ka yimid Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ee ku saabsan weerar la sheegay in ciidanka Itoobiya ay ku qaadeen magaalada Doolow ee gobolka Gedo. Itoobiya ayaa ku tilmaantay eedeymahaas kuwo “aan sal iyo raad lahayn.

Itobiya ayaa ka xuntahay bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ee 23-ka Diseembar 2024, kaas oo si aan xaqiiqo ku dhisnayn ugu eedeynaya ciidamada Itoobiya inay ku lug lahaayeen dhacdo ka dhacday Doolow. Eedeyntan waa mid aan sal lahayn,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, Itoobiya ayaa ku eedeysay in xaaladda Doolow ay tahay shirqool ay wadaan xoogag saddexaad oo doonaya inay carqaladeeyaan xiriirka diblomaasiyadeed iyo nabadda ka dhexeysa labada dal. Waxay tilmaantay in kooxahan ay si joogto ah u burburiyaan xasilloonida Geeska Afrika, iyagoo uga gol leh inay kala fogaadaan labada dowladood.

Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay inay ka go’an tahay hirgelinta Heshiiska Ankara, kaas oo xooga saaraya iskaashiga iyo nabadda labada dal. Waxay sidoo kale ballanqaaday inay sii wadi doonto wada shaqeynta ay la leedahay hay’adaha dowladda Soomaaliya si looga hortago dhacdooyin keeni kara qalalaaso iyo khilaaf.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay xalay eedeysay ciidamada Itoobiya inay si lama filaan ah weerar ugu qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla Doolow, taas oo ay ku sheegtay jebin cad oo lagu sameeyay Heshiiska Ankara.

Si kastaba ha ahaatee, labada dowladood ayaa maanta kulan ku yeeshay Addis Ababa si ay uga wada hadlaan fulinta heshiiska Ankara iyo xallinta xiisadda ka taagan gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here