Tuesday, July 15, 2025

Itoobiya oo Mareykanka uga cabatay faragelin Milatari oo Eritrea ah

Addis Ababa (Dawan ) – Dowladda Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysay faragelin milatari, ku xadgudubka xuduudaha, iyoinay  iskaashi la leedahay kooxaha hubeysan ee ku sugan gobolka waqooyi ee Tigray, sida ku cad warqad diblomaasiyadeed oo loo diray Mareykanka.

Dawan ayaa si madax-bannaan u heshay oo xaqiijisay warqadda diblomaasiyadeed ee taariikhdu tahay 20kii Juun 2025, oo ay u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio.

Warqadda ayaa Itoobiya ku sheegtay:

“Falalkan xag-jirka ah waxay ka mid yihiin ku xadgudubka sharciyada caalamiga ah waxayna sii xoojinayaan xaaladda amni ee jilicsan ee ka jirta Geeska Afrika.”

Warqadda ayaa Eritrea ku eedeysay inay joojisay duullimaadyada Ethiopian Airlines, xayirtay hantida iyo lacagaha shirkadda, burburisay xiriirada isgaarsiineed, iyo inay taageertay kooxaha hubeysan ee ka howlgala gudaha Itoobiya.

Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay dadaalladii hore ee lagu doonayey in la hagaajiyo xiriirka, iyadoo tixraacaysa War-saxaafadeedka Wadajirka ee Nabadda iyo Saaxiibtinimada ee 2018, iyo ilaalinta Itoobiya ee qaxootiga iyo magangelyo-doonka reer Eritrea.

Warqaddu waxay sidoo kale sheegtay:

“Dowladda Eritrea, oo u aragtay colaadda waqooyiga Itoobiya fursad ay ku daciifiso Itoobiya, ayaa bilaabay inay qaadato mowqif aad u xun.”

Waxaa kale oo ay muujisay iskaashiga joogtada ah ee ay leedahay “faracyada TPLF, Dowladda Eritrea iyo kooxaha hubeysan ee iyaga hoos yimaada, si ay u fuliyaan hawlgallo waaweyn inta lagu jiro xilliga roobka ee soo socda.”

“Xitaa marka ay la kulmaan ku xadgudubka madax-bannaanida, hawlgallada milatari ee soo noqnoqda, iyo faragelinta arrimaha gudaha, Dowladda Itoobiya ayaa muujiysay sabarkii ugu badan,” ayaa lagu yiri warqadda.

Itoobiya ayaa ka codsatay Mareykanka iyo beesha caalamka inay farageliyaan:

“Waxaan ku tiirsanahay taageeradiina si loo joojiyo xasaradda iyo weerarka Eritrea.”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here