Tuesday, August 5, 2025
Array

Itoobiya oo TAAJ Money Transfer ku Eedeysay Khatar Lacag Dhaqis Ah.

Bangiga Dhexe ee Itoobiya (NBE) ayaa maanta soo saaray warbixin dadweyne oo uu ku magacaabay afar shirkadood oo laga leeyahay Mareykanka oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin wareejin lacageed oo sharci darro ah, lacag dhaqis, iyo faragelin suuqyada sarifka lacagaha qalaad ah.

Shirkadaha la magacaabay waa:

  • Shgey Money Transfer – oo Maryland iyo Virginia ku taal
  • Adulis Money Transfer – oo Virginia iyo Maryland ku taal
  • Ramada Pay (Kaah) – oo Virginia ku taalo
  • TAAJ Money Transfer – oo Minnesota ku taalo

Shirkadahani waxay dhammaantood laga leeyahay Mareykanka, waxaana lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin wareejin lacageed oo sharci darro ah.

Sida lagu sheegay bayaanka Bangiga, lacagaha loo diro Itoobiya ee la mariyo shirkadahaan waxay halis ugu jiraan in la xayiro iyadoo lagu eedeynayo lacag dhaqis, islamarkaana aysan jirin wax dammaanad ah oo muujinaya in dadka Itoobiya jooga ay heli doonaan lacagta loo soo diray.

“Waxaan kula talineynaa shacabka Itoobiyaanka ah in ay ka fogaadaan shirkadahan si ay lacagahooda ugu diraan si ammaan ah oo sharci ah ehelkooda,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Bangigu wuxuu sidoo kale xaqiijiyay inuu la xiriiray hay’adaha Mareykanka ee khuseeya si ay ula shaqeeyaan baaritaanka arrintan la xiriira.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here