Monday, September 8, 2025

Itoobiya oo soo bandhigtay musharrixnimadeeda martigelinta COP32

Addis Ababa (Dawan) – Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday musharrixnimadeeda martigelinta shirweynaha caalamiga ah ee isbeddelka cimilada ee Qaramada Midoobay (COP32) sanadka 2027, iyadoo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ku dhowaaqay furitaanka Shirweynaha Labaad ee Cimilada Afrika (ACS2) ee Addis Ababa Isniintii.

Khudbadiisa furitaanka, Abiy ayuu xusay dadaallada deegaanka ee Itoobiya iyo mashaariicda gobolka, oo ay ku jiraan ololaha Dhaxalka Cagaaran ee geed-beerista iyo Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD), isaga oo ku tilmaamay tusaale muujinaya awoodda Afrika ee xalinta caqabadaha cimilada.

“Waxaana si sharaf leh u soo bandhigeynaa dalabka Itoobiya ee ah in ay martigeliso COP32 sanadka 2027,” ayuu yiri Abiy.

Ku dhawaaqistaan ayaa Itoobiya ka dhigaysa musharrax u taagan martigelinta mid ka mid ah shirarka ugu miisaanka culus dunida ee looga hadlayo ficillada caalamiga ah ee ka dhanka ah isbeddelka cimilada.

Shirka saddexda maalmood soconaya ee Shir Madaxeedka Cimilada Afrika oo ay si wadajir ah u qabanayaan Dowladda Itoobiya iyo Guddiga Midowga Afrika ayaa lagu qabanayaa Addis Ababa, waxaana hal-ku-dheggiisu yahay “Dardar gelinta Xalka Cimilada Caalamiga ah ee Maalgelinta Afrika ee Adkeysiga iyo Horumarinta Cagaaran.”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here