Balbala, Jabuuti – Waxaa si rasmi ah uga bilowday xarunta Jaamacadda Jabuuti ee Balbala imtixaanka guud ee ardayda sanadkaan dhammeesay dugsiyada sare, kuwaas oo doonaya inay u gudbaan heerka waxbarasho ee jaamacadeed.
Tirada guud ee ardayda sanadkan imtixaanka u fariisatay ayaa gaaraysa 1,900 arday, kuwaas oo tartan adag ugu jira ku biirista kuliyadaha sare oo ay bixiso Jaamacadda Jabuuti.
Sida uu sheegay maamulka jaamacadda jabuuti, ardayda ayaa u kala tartamaya
Kuliyadda Caafimaadka oo ay 769 arday u tartamayaan.
Kuliyadda Injineeriyada oo ay 416 arday utartamayeen
Iyo Kuliyadda Maamulka & Maareynta (Ganacsiga) oo 370 arday ay ugaleen imtixaanka
Maamulka Jaamacadda Jabuuti ayaa xaqiijiyey in imtixaankaasi uu socon doono muddo saddex maalmood ah, iyadoo la filayo in natiijooyinka lagu saleyn doono hufnaan iyo caddaalad .
Imtixaankan ayaa ah mid muhiim u ah mustaqbalka waxbarasho ee ardayda, maadaama uu go’aaminayo cidda ka mid noqon doonta waxbarashada heerka sare.
“Imtixaankaan waxa uu socon doonaa 3 maalmood, tiraada ardayda ka qeeb galaeysa waa 1900 oo arday oo ka kala socday dugsiyada sare ee dalka” agaasimaha Diiwaangelinta jaamacada Jabuuti
Maamulka jaamacadda ayaa sidoo kale xusay in imtixaanka si weyn loo adkeeyey nidaamkiisa iyo amnigiisa, si looga hortago wax isdaba marin ah, lana xaqiijiyo in dhammaan ardaydu ay helaan fursad siman.