Saturday, June 28, 2025

Xaflad Farxadeed oo Lagu Xusay Qalin-jabinta Ardayda Jaamacadaha DDS

By Abukar Osman

Jigjiga, Qabridhahar, iyo City (Dawan Africa) – Maanta, in ka badan 2,800 arday ayaa ka qalin-jabiyay saddexda jaamacadood ee ku yaala Dowlad-deegaanka Soomaalida, iyagoo dhameystay heerarka koowaad ee Degree-ga iyo Master-ka.

Jaamacadda Jigjiga waxay Sagootisay 1,554 arday oo ka tirsan dufcaddii 17aad, halka Jaamacadda Qabridahar ay ka qalin-jabiyeen 1,184 arday, oo 1,113 ka mid ah ay qalinjabiyeen heerka koowaad ee Degree-ga iyo 71 oo kale ay ka qalinjabisay Master-ka. Kuliyadda Caafimaadka iyo Ganacsiga ee City ayaa sidoo kale maanta Macsalaameysay qalin-jabiyayaal gaaraya 150 arday oo ka tirsan dufcaddii 2aad.

Munaasabadda qalin-jabinta oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday magaaloyinka Jigjiga iyo Qabridahar, waxaana ka soo qaybgalay madax sare oo ka tirsan maamulka Dowlad-deegaanka, oo uu ka mid yahay Madaxweyne Kuxigeenka DDS, Ibraahim Cusmaan Faarax.

Sida muuqata, jaamacadaha Dowlad-deegaanka Soomaalida waxay sannad walba sii kordhinayaan tirada dhalinyarada qalin-jabisa, inkastoo shaqo la’aantu ay tahay dhibaato baahsan. Si kastaba ha ahaatee, maamulka ayaa si firfircoon ugu hawlan sidii loo abuuri lahaa fursado shaqo iyo in dhalinyarada la baro farsamooyinka gacanta si loo yareeyo shaqo la’aanta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here