Jabuuti (Dawan) – Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI) ayaa sheegtay in 22 shaqaale badmareen ah oo saarnaa markabka MV Magic Seas oo wata calanka Liberia laguna weeraray Badda Cas, meel ku dhow xeebta Hudaydah, la badbaadiyay laguna soo dhaweeyay dekedda Jabuuti Isniintii.
Shaqaalaha la badbaadiyay ayaa isugu jiray 20 muwaadin u dhashay dalka Filibiin, hal Romanian ah iyo hal Vietnamese ah. Markabkan oo ku socday marinka muhiimka ah ee Badda Cas ayaa la sheegay in ay si degdeg ah uga dageen shaqaalihii kadib markii uu dhacay weerarka.
Shaqaalahan ayaa laga soo qaaday badweynta iyadoo uu qaaday markabka xamuulka ah ee Safeen Prism, kaasoo si nabad ah ugu soo dajiyay dekedda Doraleh ee ay maamusho SGTD(Shirkadda Maareynta Kontaynarrada ee Doraleh).
Howlgalka soo dhoweynta ayaa waxaa iska kaashaday Maamulka Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti (DPFZA), maamulka dekedda, iyo maamulka SGTD. Sida lagu sheegay ilo ka tirsan dekedda, shaqaalaha la badbaadiyay ayaa lagu tilmaamay inay yihiin “badqaba oo caafimaad qaba”, waxaana loo fidiyay gargaar degdeg ah markii ay yimaadeen.
Jabuuti oo ah dal istiraatiiji ah kana ag dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab ayaa mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay sugidda amniga badda iyo u gurmashada dadka ku sugan xaalado halis ah.
Weerarkan ayaa yimid xilli dhowr markab ganacsi ay weerarro la kulmeen bilihii u dambeeyay, taasoo walaac ku abuurtay ganacsiga maraakiibta ee gobolka.
Markii la soo badbaadiyey fiidnimadii Isniinta ee MV Magic Seas ayaan xaaladdiisa aysan caddeen. Hay’adaha badda ayaa hadda isticmaalaya qalab kormeer ah si ay u qiimeeyaan khasaaraha iyo in laga hortago waxyeello deegaanka ah ama khatar ku timaadda maraakiibta kale.
Dowladda Jabuuti ayaa dhawaan ballanqaadday in la xoojin doono awoodda dalka ee gurmadka badda iyo la socodka dhaq-dhaqaaqa maraakiibta, si loola tacaalo xaaladaha degdegga ah ee kusoo kordhaya marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka Badda Cas.