Jabuuti (Dawan) – Wasaaradda Shaqada ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Khamiistii lasoo dhaafay ka daahfurtay Guriga Dadweynaha (Qasriga Shacabka) wejigii ugu dambeeyay ee dib-u-habaynta ballaaran ee shaqaalaha rayidka dowladda. Munaasabaddan oo halku-dheg looga dhigay “Adeegga Dawladda oo Casri ah oo Wax-soo-saar Leh” ayaa isku keenay madax ka tirsan dowladda, xildhibaanno, iyo wakiillo ka socday Midowga Yurub.
Ujeedada shirkan ayaa ahayd in la soo bandhigo isla markaana la dardargeliyo hirgelinta isbeddel lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dawladda, si loo casriyeeyo adeegga guud, korna loogu qaado waxtarka adeegyada bulshada, loona siiyo hay’adaha dowladda agab iyo awood ay ku wajahaan caqabadaha qarniga 21-aad.
Kulankan ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Shaqada, Diiwaangelinta iyo Ilaalinta Bulshada, Cumar Cabdi Saciid, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan iyo Xoghayaha Fulinta ee dib-u-habaynta maamulka.
Wasiirka ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee dib-u-habayntan uu yahay in la abuuro deegaan shaqo oo ay dhammaan shaqaalaha dawladda ku horumari karaan, isla markaana la xaqiijiyo sinnaan iyo caddaalad iyada oo aan loo eegayn jinsiga, asal bulshada ama heerka uu shaqsigu ka joogo shaqada. “Waqtigu waa inuusan noqon mid aan isbeddel lagu sameyn,” ayuu yiri wasiir Cumar, “si aan u dhisno deegaan shaqo oo loo wada dhan yahay, oo qof walba uu ku kori karo isagoo si buuxda uga qayb qaadanaya adeegga dawladda.”
Dib-u-habayntan cusub ee shaqaalaha dawladda waxay daba socotaa Sharciga Lr. 48/AN/83 ee soo baxay 26-kii Juun 1983, kaasi oo markii hore aas-aas u ahaa nidaamka shaqaalaha rayidka ee Jabuuti.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo ay soo korortay baahida loo qabo isbeddel loo dhigmo duruufaha casriga ah, dowladda Jabuuti waxay go’aansatay in dib u eegis iyo habayn qoto dheer lagu sameeyo shuruucda shaqaalaha. Taasi waxay keentay in la soo diyaariyo Sharciga Cusub ee Shaqaalaha Dowladda (Lr. 21/AN/23/9aad L), kaas oo la ansixiyey 24-kii Janaayo 2024.
Sida ay Wakaaladda Wararka Jabuuti ku warramayso, dib-u-habayntan oo la soo waday in ka badan afar sano ayaa loo arkaa tallaabo wayn oo ay dowladda ku waafajineyso nidaamka maamulka dalka heerarka casriga ah, isla markaana lagu sugayo caddaaladda bulshada iyo ka-qaybgalka dhammaan shaqaalaha rayidka.
Isbeddelkan wax ka beddelaya hab-maamulkii hore ayaa diiradda saaray xoojinta xuquuqda iyo tayada shaqaalaha iyadoo la adeegsanayo tababaro joogto ah iyo maarayn xirfad leh, si loo dhiso hay’ad dowladeed oo awood leh oo u diyaarsan caqabadaha mustaqbalka.