Sunday, May 4, 2025

Jabuuti oo guulo ka gaartay Ciyaaraha Fudud ee Carabta.

Algiers, Aljeeriya – Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si rasmi ah u xaqiijisay kaalinteeda sii korodhay ee dhinaca ciyaaraha fudud kadib guulo taariikhi ah oo ay ka gaartay 24-aad ee Tartanka Ciyaaraha Fudud ee Carabta ee lagu qabtay magaalada Algiers, Algeria. Tartanka oo billowday 30-kii April 2025 ayaa maanta si rasmi ah loo soo xirayaa, iyadoo Jabuuti ay ku guuleysatay 6 biladood: saddex dahab, hal qalin, iyo labo maar.

Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI), biladaha ay Jabuuti ku guuleysatay waxaa ka mid ah:

  • Kadra Maxamed Dembil – biladda dahabka ee orodka 5000m (dumar),
  • Haboon Axmed Jaamac – biladda qalinka ee isla tartankaas,
  • Hani Idriis Xirsi – biladda dahabka ee orodka 10,000m (rag),
  • Cabdulfataax Daahir Cawale – biladda maarta ee 10,000m (rag),
  • Aadan Waberi Darar – biladda dahabka ee nus-maratoonka,
  • Xasan Weys Raayale – biladda maarta ee nus-maratoonka.

Warbixinta ADI ayaa lagu xusay: “Natiijooyinku iyagaa hadlaya. Guushaan waxay dhigeysaa taariikh cusub oo ciyaaraha Jabuuti ah – rag iyo dumarba.”

Dhinaca kale, Jabuuti waxay sidoo kale guulo muhiim ah ka gaartay tartamo caalami ah oo ka dhacay Tokyo, Japan:

  • Maxamed Ismaaciil Ibraahim (Fatax) – biladda qalinka ee tartanka 5000m,
  • Saamiya Xasan Nuur – biladda qalinka ee tartanka 10,000m ee ASCIC, iyadoo la rumeysan yahay inay si weyn ugu dhowdahay in ay u qalanto Tartanka Ciyaaraha Fudud ee Adduunka ee dhici doona September, Tokyo,
  • Ibraahim Xasan Buux – horey ayuu ugu guuleystay dahabka maratoonka, taasoo xaqiijisay ka qeybgalka tartankaas caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here