Saturday, May 24, 2025

Jabuuti iyo Sacuudiga oo xoojinayo xiriirkooda.

RIYAAD, Sacuudiga – Safiirka Jabuuti ee Riyaad, Diyaa’udiin Baamakhrama ayaa 19 May 2025 la kulmay Ku-Xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Waleed El-Khereiji.

Sida ay sheegtay wakalaada Wararka Jabuuuti Kulankan ayaa diiradda lagau saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka muddo dheer ee labada dal, oo ku saleysan juqraafi, is-dhexgal dhaqan, iyo isku-xirnaanta siyaasadeed.


Wakaalada waxa ay intaas ku dartay in Intii lagu guda jiray kulanka, labada diplomasi ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga, iyagoo muujiyay xiisaha labada dal ee ah in la xoojiyo wada shaqeyn xooggan.

Waxa kale oo laga wada hadlay arrimo gobolka iyo kuwa caalami ah oo ay labada dal ka wada hadlayaan, gaar ahaan arrimaha la xiriira xasilloonida, midnimada Carabta, iyo ilaalinta isku dheelitirka siyaasadeed ee gobolka.

Xiriirka Jabuuti iyo Sacuudiga ayaa muddo dheer ahaa mid qoto dheer iyadoo ay leeyihiin xiriir dhaqaale iyo mid ganacsiba.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here