Friday, June 13, 2025

Jabuuti, Japan iyo Midowga Yurub oo ka shiray khatara badda

Abukar Osman

Dowladda Jabuuti oo garab ka helaysa Japan iyo Midowga Yurub ayaa martigelisay shir sare oo lagu gorfeeyay yareynta khataraha ka dhasha badaha, gaar ahaan burcad-badeedda, dhibaatooyinka deegaanka, iyo halista amni ee saameeya gaadiidka badda.

Shirkan oo ka dhacay Jabuuti, ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay wasaaradaha arrimaha dibadda, gaadiidka iyo kaabayaasha, iyo deegaanka ee Jabuuti. Ujeedka shirka ayaa ahaa in la helo hannaan mideysan oo lagu xakameeyo khataraha sii kordhaya ee ka imaanaya badda, iyadoo la xoojinayo iskaashi caalami ah oo lagula dagaallamayo burcad-badeedda, in la ilaaliyo deegaanka, lagana hortago culeyska amni ee saameeya ganacsiga badda.

Shirka waxaa kasoo qayb galay wakiillo ka kala socday hay’adaha dowladda, ururka gobaleedka IGAD, iyo diblomaasiyiin sare oo ay ka mid yihiin Danjiraha Japan ee Jabuuti, Hara Keiichi, iyo Danjiraha Midowga Yurub, Denisa Elena.

Danjire Hara ayaa ku tilmaamay shirka “madal muhiim ah” oo ay si wadajir ah uga shaqeynayaan Jabuuti, Japan, iyo Midowga Yurub, halka Danjire Denisa ay bogaadisay sida shirkan diiradda u saaray saddex qodob oo waaweyn: ilaalinta deegaanka, la-dagaalanka burcad-badeedda, iyo xoojinta amniga marin-biyoodka.

Wasiirka Gaadiidka Xasan Xaamud ayaa dhankiisa sheegay in Jabuuti, oo ah dal ku yaala meel istiraatiiji u ah ganacsiga badda, ay mar walba diyaar u tahay in ay hormuud ka noqoto dadaallada lagu sugayo amniga badda. Wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay Midowga Yurub, Japan, iyo IGAD dadaalkooda joogtada ah.

Shirkan ayaa muujinaya sida ay muhiim u tahay iskaashiga caalamiga ah si looga hortago khataraha badaha, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika oo marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here