Wednesday, April 30, 2025
Array

Jabuuti iyo Kuwait oo kulmay si loo xoojiyo iskaashiga

Kuwait City – Safiirka Jabuuti ee Kuwait, isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Cabdulkadir Xuseen Cumar, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Kumeelgaarka ah iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kuwait, Fahad Youssef Al-Sabah.

Kulanka oo uu sidoo kale ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuwait, Cabdullaahi Cali Al-Yahya, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, amniga gobolka, maalgelinta, is-dhexgalka dhaqaale, iyo tababarka hoggaamiyeyaasha.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Jabuuti, labada dhinac ayaa sidoo kale looga wada hadlay xaaladaha juquraafiyeed ee istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika iyo Gacanka Carabta, iyadoo la xaqiijiyey ballanqaadkooda ku aaddan nabadda, xasilloonida, iyo barwaaqada gobolka.

Kulanka kadib, Jabuuti iyo Kuwait waxay isla qaateen in la xoojiyo wadahadalka siyaasadeed ee labada dal, in la dardargeliyo hirgelinta heshiisyadii hore loo gaaray, iyo in la furo fursado cusub oo iskaashi ah oo wax ku ool ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here