Sunday, March 16, 2025

Jabuuti oo Mamnuucday In Hub lala soo Galo Deegaanadeeda

Soohoyde

Jabuuti   – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti, Saciid Nuux, ayaa ku dhawaaqay in la mamnuucay in hub lala soo galo guud ahaan gobollada iyo deegaanada dalka, isagoo digniin culus u diray dadka reer guuraaga ah ee ka imaanaya dalalka deriska la ah.

Wasiirka oo shir jaraa’id qabtay ayaa caddeeyay in talaabadani ay tahay mid lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka. “Waa mamnuuc in hub lala soo galo Jabuuti, cid walba oo lagu qabtana waxa ay hortagi doontaa garsoorka,” ayuu yiri.

Saciid Nuux ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay dadka ka imanaya dalalka deriska la ah, isaga oo ku amray in aysan hub la iman karin. Wuxuu faray ciidamada xuduudaha in ay si degdeg ah ula wareegaan hubka laga helo dad aan sharciyad u haysan in ay dalka la soo galaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaciyay in ciidamada kala duwan ee Jabuuti ay dhawaan fulin doonaan howlgallo ka dhan ah dadka sida sharci darrada  ah hubka ula soo galaya dalka.

Amarkaan waxa uu qeyb ka yahay dadaalka dowladdu ku xoojinayso amniga iyo ilaalinta sharciga,” ayuu yiri Wasiir Saciid Nuux.

Go’aankan ayaa yimid maalmo uun kadib markii dowladda Jabuuti ay sheegtay inay weerar diyaaradeed ku qaaday koox ay ugu yeertay “argagixiso,” weerarkaasi oo ka dhacay deegaanka Addorta, oo qiyaastii 6 kiiloomitir u jirta xadka Itoobiya.

Dowladda Jabuuti ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan gelinaysay sidii ay uga hortagi lahayd kaganacsiga  hubka sharci darrada ah iyo kooxaha la tuhunsan yahay in ay khatar ku yihiin amniga jabuuti

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here