Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jabuuti ayaa maanta bilowday olole rasmi ah oo lagula dagaalamayo cayayaanka tixsiga loo yaqaan, si looga hortago cudurada ka dhasha cayayaankaas.
Ololahaan ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti iyo Machadka Caafimaadka Dadweynaha ee jabuuti, waxaana ujeedadiisu tahay in si buuxda loo buufiyo cayayaanka tixsiga, loona yareeyo tarankiisa si loo xakameeyo faafitaanka cudurrada uu keeno.
Howlgalka ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa xaafadaha dadka badani ku noolyihiin, goobaha raashinka lagu iibiyo, iyo suuqyada hilibka lagu qalo.
Degmooyinka Balbala iyo Boulus ee jabuuti ayaa noqon doona goobaha ugu horreeya ee lagu bilaabayo buufinta cayayaanka tixsiga, iyadoo qorshuhu yahay in ololahaasi la gaarsiiyo dhammaan gobollada Jabuuti.
Agaasimaha Machadka Caafimaadka Dadweynaha ee jabuuti ayaa intaa ku daray in guddoomiyeyaasha degmooyinka jabuuti lagu wargeliyay saameynta cayayaanka tixsiga, uuku yeelan karo caafimaadka bulshada ay madaxda uyihiin.
Dhammaan guddoomiyeyaasha ayaan shir la yeelanay si aan uga hadlay saameynta korodhay ee tixsiga, waxaana go’aansanay in degmooyinka Balbala iyo Boulus aan ka bilowno ololahaan,” ayuu yiri Meecaad Naasir, agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Dadweynaha Jabuuti.
Masuuliyiinta degmooyinka ayaa sidoo kale tilmaamay in ka-hortagga cudurrada uu yahay jidka ugu wanaagsan ee caafimaadka bulshada lagu ilaalin karo.
Ololahaan ayaa ka tarjumaya oraahda caan ka ah ee tiraahda: “Ka-hortaga wuxuu ka wanaagsan yahay daaweenta,” iyadoo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, uu si toos ah utaageerayo bilowga ololahaan, sida uu sheegay Telefishinka Jabuuti.