Friday, June 13, 2025
Array

Jabuuti oo diidday codsigii Itoobiya ee saldhig ciidan badeed.

Jabuuti ayaa si rasmi ah u diidday codsi ay Itoobiya u gudbisay oo ku saabsanaa dhisidda marin gaar ah oo isku xira Itoobiya iyo dekedda Tadjourah, iyo oggolaansho ay ku dhisan karto saldhig ciidan badeed halkaas. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dalabkaasi uu aad uga fogaa wixii horay looga wadahadlay, sidaas darteedna ay diideen.

” Itobiyaanku waxay noo soo direen wafdi wata soo-jeedin aan la aqbali karin,” ayuu Geelle u sheegay wargeyska Jeune Afrique, isagoo intaas ku daray in Itoobiya ay heli karto dekedo dhowr ah sida Jabuuti, Berbera, Cusb iyo Muqdisho iyadoo aan loo baahnayn inay iyadu si toos ah u maamusho.

Itoobiya oo ah dal aan lahayn xeeb, ayaa si firfircoon ugu raad joogtay marin toos ah oo badeed. Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in Itoobiya u baahan tahay inay hesho marin badeed, iyada oo heshiis is-afgarad oo muran dhaliyay la gashay Soomaaliland, taas oo ay dowladda Soomaaliya si xookan ugu hor timid.

Go’aanka Jabuuti wuxuu sidoo kale muujinayaa siyaasaddeeda guud ee ku wajahan diidmada faragelinta dibadda. Sannadkii 2018, Jabuuti waxay joojisay heshiis weyn oo ay la gashay shirkadda DP World oo fadhigeedu yahay Dubai, kaasoo la xiriiray maamulka dekedda konteenarrada ee Doraleh, iyadoo sheegtay inuusan dan u ahayn dalka.

Inkastoo maxkamado caalami ah ay u xukumeen DP World oo amray in Jabuuti bixiso $385 milyan oo magdhow ah, haddana Geele wuu diiday inuu dib uga noqdo go’aankiisa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here