Saturday, June 14, 2025

Jabuuti oo isu diyaarineysa Isku-filnaansho Dhanka Beeraha ah

Jabuuti (Dawan) – Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si rasmi ah u shaacisay qorshe qaran oo lagu beddelayo nidaamka beeraleyda dalka, iyadoo yoolku yahay in la gaaro isku-filnaansho dhanka cunnada ah kahor sannadka 2035. Qorshahan cusub, oo la jaan qaadaya xaaladaha cimilada Jabuuti iyo mudnaanta dhaqaale ee dalka, ayaa lagu dhawaaqay Khamiistii, xilli lagu soo xirayay Shirka Qaran ee Ganacsiga Beeraha oo ka dhacay magaalada Jabuuti intii u dhaxaysay 10–12 Juunyo 2025.

Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, oo ka hadlayay xafladdii xiritaanka shirka, ayaa adkeeyay muhiimadda istiraatiijiga ah ee shirkaasi. isagoo sheegay: “Shirkan wuxuu dhidibada u aasay beeraley la jaan qaadaysa caqabadaha cimilada iyo dhaqaalaha ee dalka. Yoolkeennu weli waa cad yahay: in aan gaarno isku-filnaansho dhanka cunnada ah, si waafaqsan Himilada 2035.”

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujinaya sida Jabuuti uga go’an tahay in ay hoos u dhigto ku-tiirsanaanta ay ku qabto raashinka dibadda laga keeno, iyadoo la adeegsanayo farsamooyin beeraleed oo waara, u adkeysan kara isbeddelka cimilada.

Wasiirka Beeraha, Biyaha, Kalluumeysiga, iyo Xoolaha, Maxamed Axmed Cawaale, ayaa ku booriyay ganacsatada gaarka loo leeyahay inay door hoggaamineed ka qaataan wejiga fulinta qorshahan cusub.
“Waxaan rabnaa in aan aragno ganacsato Jabuutiyaan ah oo ku lug leh kalluumeysiga casriga ah. Waxa kale oo aan u baahan nahay iskaashi ku saabsan xanaaneynta xoolaha. Waqtigii tijaabooyinka wuu dhammaaday; hadda waa in la ballaariyaa adeegsiga farsamooyinka casriga ah ee beeraleyda sida hydroponics-ka,”ayuu yiri

Shirkan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Dowladda Jabuuti iyo Bangiga Horumarinta Afrika, iyadoo taageero xooggan laga helay Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha (IFAD). Waxaa ka soo qeyb galay siyaasiyiin, maal-gashadeyaal, iyo khubaro farsamo oo ka kala yimid Afrika, Yurub, Turkiga, dunida Carabta iyo Mareykanka.

Jabuuti waxa ay la tacaaleysaa caqabado waaweyn oo dhanka beeraha ah, sababo la xiriira cimiladeeda qalalan, oo ay sababaeen kuleyl daran, roobab aan joogto ahayn, iyo abaaro soo noqnoqda. Kaliya qiyaastii 1,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran ayaa ah dhul beereed, iyadoo ku dhowaad 674 hektar ay yihiin kuwo leh nidaam waraabin, kuwaas oo intooda badani aan si buuxda loo adeegsanin.

Inkastoo beeruhu ay ka dhiganyihiin qiyaastii 3% wax-soo-saarka guud ee gudaha (GDP), haddana waa isha nolosha ku dhowaad 30% dadka ku nool miyiga. Isbeddelka cimilada iyo heerka sare ee uumi-baxa ayaa sii adkaynaya dadaallada lagu doonayo in kor loogu qaado wax-soo-saarka cuntada gudaha.

Qorshahan cusub ee wax-ka-beddelka beeraleyda ayaa u taagan tallaabo istiraatiiji ah oo lagu dhisayo waax beereed oo waarta, wax-soo-saar leh, isla markaana u adkaysan karta isbeddelka cimilada, si loo daboolo baahida bulsho sii kordhaysa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here