Thursday, July 31, 2025

Jabuuti oo kordhisay joogitaanka Ciidankeeda ee Soomaaliya.

Asha Elmi

Djibouti (Dawan ) – Dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday Heshiiska Xaaladda Ciidamada (Status of Forces Agreement – SoFA), kaas oo saldhig sharci u ah kordhinta iyo joogteynta ciidamada Jabuuti ee ka howlgala gudaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Heshiiskan ayaa si rasmi ah loogu saxiixay 30-ka Luulyo 2025, magaalada Jabuuti, xilli ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada dal. Waxaa heshiiska saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-simaha Wasiirka Difaaca Jabuuti, Cali Xasan Bahdoon.

Sida ku cad heshiiska, Jabuuti waxay sii xoojin doontaa oo kordhin doontaa ciidamadeeda gaaraya 1,520 askari, kuwaas oo ka howlgala Sector 4-aad ee AUSSOM ee gobollada Hiiraan iyo Galgaduud. Magaalooyinka ay ciidamadaasi ku sugan yihiin waxaa ka mid ah: Beledweyne, Buulo Burde, Jalalaqsi, iyo Dhusamareeb.

Heshiiskan wuxuu hagaya kordhinta ciidamada Jabuuti ee gudaha Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo mudnaanta labada dal ay horay uga heshiiyeen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wadajirka ah ee labada dhinac.

Heshiiska SoFA wuxuu qeexayaa habraacyada wada-shaqeynta howlgalka, masuuliyadaha labada dhinac, iyo hannaanada kormeerka ciidamada Jabuuti ee ku sugan dhulka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo isla-xisaabtanka iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.


Ciidamada Jabuuti ayaa door weyn ka soo qaatay hawlgalladii hore ee AMISOM iyo ATMIS, waxaana ay hadda si rasmi ah uga mid yihiin AUSSOM — hawlgalka cusub ee ay Soomaaliya hormuudka u tahay, lana dhisay kadib gabagabadii ATMIS bishii Diseembar 2024.
AUSSOM ayaa lagu dhisay iyadoo loo marayo Concept of Operations (CONOPs), qorshe dhigaya in hawlgalka si tartiib tartiib ah loo dhimo ilaa uu dhammaado bisha Diseembar 2029. Sida ku cad qorshaha Midowga Afrika, AUSSOM wuxuu loo qorsheeyey 12,626 askari ilaa 30-ka Juun 2025, halka wajiga labaad la dhimi doono tirada iyadoo iyadoo la gaarsiinayo 11,146 askari laga bilaabo 1-da Luulyo ilaa 31-ka Diseembar 2025, iyadoo la raacayo qiimeyn joogto ah oo amniga dalka ah.


Heshiiskan cusub ee Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale qeyb ka ah qorshe ballaaran oo uu Midowga Afrika wado, kaas oo lagu doonayo in Soomaaliya loo diro ilaa 8,000 askari oo dheeraad ah, si wax looga qabto xaaladda amni ee sii xumaaneysa. Tallaabadan waxaa lagu gaari doonaa hanaan is-afgarad oo labada geesood ah iyo mid ururaysan.
Jabuuti ayaa si cad u taageertay qorshahan, intii lagu guda jiray shirka dalalka ciidamada ku tabarucaya AUSSOM ee lagu qabtay Uganda bishii Abriil 2025, waxayna la safatay dalalka Uganda iyo Kenya oo iyaguna diyaar u ah kordhinta ciidamadooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here