Tuesday, October 22, 2024

Jabuuti oo martigelisay xuska 60-aad ee Bangiga Horumarinta Afrika

Jabuuti (Dawan)- Waxaa magaalada Jabuuti ka qabsoontay munaasabadda xuska sanadguurada 60-aad ee Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB). Munaasabadda oo ka dhacday Hoteelka Kempinski ayaa waxaa ka qeyb galay xubno uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika. Sidoo kale, Wasiirka Dhaqaalaha Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh, ayaa ka mid ahaa marti-sharafta munaasabadda.

Munaasabadda xuska sanadguurada AfDB ayaa fursad u noqotay in mar kale lagu adkeeyo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Bangiga Horumarinta Afrika. Intii ay socotay munaasabadda, labada dhinac waxay soo bandhigeen qorshayaal lagu xoojinayo barnaamijyada ay ka wada shaqeeyaan.

Guddoomiye ku-xigeenka AfDB, Nnenna Nwabufo oo hadal ka jeedisay munaasabadda ayaa carrabka ku adkeysay in tobankii sano ee ugu dambeysay, Bangigu uu si gaar ah u xoojiyay xiriirka uu la leeyahay waddamada Afrika, gaar ahaan Jamhuuriyadda Jabuuti. Waxay tilmaantay in iskaashiga AfDB uu muhiimad weyn u leeyahay horumarka dhaqaalaha iyo bulshada ee Afrika.

Wasiirka Dhaqaalaha Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh, ayaa dhankiisa xusay in Bangiga Horumarinta Afrika uu xilliyo adag garab istaagay Jamhuuriyadda Jabuuti, isaga oo amaanay kaalinta ay ku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha dalkaasi.

Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) waa hay’ad dhaqaale oo dhinacyo badan leh, waxaana la aas-aasay sanadkii 1964 si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha iyo horumarka bulshada ee guud ahaan Afrika. Tan iyo markii la aas-aasay, AfDB waxay door muhiim ah ka ciyaartay maalgelinta mashaariic horumarineed oo ka socda dalal kala duwan oo ka tirsan qaaradda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here