Jabuuti (Dawan ) – Ciidamada Faransiiska ee ku sugan Djibouti ayaa ku qabtay saldhigga ciidanka cirka ee Base Aérienne 188 xaflad milatari oo loogu dabaaldegayo maalinta Qaranimada Faransiiska ee 14-ka Luulyo 2025, taasoo loo yaqaanno Bastille Day.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga Djibouti, Xasan Cumar Maxamed, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka, Zakariya Sheekh Ibraahim, Safiirka Faransiiska, iyo mas’uuliyiin kale oo milatari iyo madani ah.
Waxaa sidoo kale xafladda ka hadlay Taliyaha Ciidamada Faransiiska ee Djibouti, Sébastien Vallette, oo sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid muddo dheer soo jiray, ayna ka go’an tahay xoojintiisa, isagoo xusay muhiimadda wada-shaqeynta dhanka ammaanka ee labada dhinac.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee casriga ah sida NH90 CAIMAN iyo H225M CARACAL, kuwaas oo qeyb ka ah dabaal degga ciidanka Faransiiska ee gobolka. Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay gaadiidka dagaal culus oo kuwa dhulka ah.
Joogitaanka ciidamada Faransiiska ee Djibouti, oo gaaraya ilaa 1,500 askari, ayaa qayb ka ah heshiiska iskaashi ee la cusbooneysiiyay sanadkii 2024. Saldhiggan ayuu farnsiisku ku timamama inuu muhiim u yahay howlaha amniga ee gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Bab el-Mandeb.
Saldhigaan ayaa qeeb ka ah heshiis difaac oo dib loo cusbooneysiiyay sanadkii 2024 oo u dhaxeeya Jabuuti Iyo Faransiiska, kaas oo Faransiisku uga qaybqaato ilaalinta amniga iyo bixinta kireyn sanadle ah, taasoo qeyb ka ah ilaha dhaqaalaha Jabuuti.