Thursday, April 24, 2025

Jabuuti oo si weyn u xustay Maalinta Buugaagta Adduunka

Jabuuti – Wasiiradda Dhalinyarada iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Hibo Muumin Casoowe, ayaa si rasmi ah u furtay xuska Maalinta Buugaagta Adduunka, oo sanadkan si heer sare ah looga xusay xarunta Madbacadda Qaranka ee caasimadda.

Xuska waxa uu qeyb ka ahaa Bandhigga Buugaagta Saddexaad ee Jabuuti, oo lagu soo bandhigay buugaag kala duwan oo ka hadlaya dhinacyo badan sida sayniska, suugaanta, waxbarashada, iyo hal-abuurka.

Munaasabadda ayaa isu keentay qoraayaal, suxufiyiin, arday iyo masuuliyiin kala duwan, iyada oo lagu adkeeyay doorka buugaagtu ay ku leeyihiin horumarinta fikirka, ilaalinta dhaqanka iyo dhisidda bulsho aqoon leh.

Wasiiradda ayaa sidoo kale ka mahadcelisay deeq buugaag ah oo ay bixisay safaaradda Japan, taasoo la guddoonsiiyay Madbacadda Qaranka. Waxay tilmaantay in deeqdan ay si weyn uga qeyb qaadan doonto kor u qaadidda aqoonta iyo akhriska dhalinyarada dalka.

“Wax-soo-saarka buuggu waa tiir muhiim u ah horumarka bulshadeenna. Waa inaan dhiirrigelinaa qorista, akhriska iyo faafinta suugaanta si aan u dhisno jiil aqoonyahan ah,” ayay tiri Wasiirad Hibo Muumin.

Wasiiraddu waxay intaas ku dartay in wasaaraddu sii wadi doonto dadaallada lagu kobcinayo dhaqanka akhriska iyadoo iskaashi la sameyn doonta hay’adaha waxbarashada iyo safaaradaha taageerada leh ee dalka Jabuuti.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here