Dowladda Jabuuti ayaa maanta soo xiraysa wadatashiyada heer qaran ee ku saabsan dhismaha Qorshaha Horumarinta Qaranka ee saddexaad (2025–2030), kuwaas oo si rasmi ah loo daahfuray 7-da Luulyo 2025.
Fadhiyadan oo diiradda lagu saarayay Horumarinta Maalgelinta ayaa lagu qabtay Hotel Kempinski intii u dhaxaysay 16-ka ilaa 17-ka Luulyo, waxaana kasoo qaybgalay masuuliyiin sare, khubaro maxalli, ganacsato, iyo wakiillo ka socday hay’adaha muhiimka u ah horumarka dalka.
Qorshaha cusub ee shanta sano ah ayaa ka duulaya xaaladda cusub ee ka dhalay hoos u dhaca deeqaha horumarineed ee dibadda ka imaan jiray, taas oo keentay in Jabuuti ay wajahdo jihayn cusub oo ku saleysan iskaashi istiraatiijiyadeed iyo danaha horumarinta dhaqaale.
Si arrintaas cusub ay u wajaho, Jabuuti waxay qaadanaysaa qaab dhismeed isku dhafan oo loogu magac daray Maalgelinta Horumarka Waara (CIFDD). Qaabkan ayaa iskuxiraya baahiyaha maalgelinta ee mudnaanta qaran la leh iyo ilaha suurtagalka ah sida miisaaniyadda dowladda, maalgelinta gaarka ah ee gudaha iyo dibadda, iyo ilo hal-abuur, iyadoo la hubinayo in ay la jaanqaadaan Yoolalka Horumarinta Waarta (SDGs).
Qaab-dhismeedka Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2025–2030, ayaa tixgelinayo xaddidaadaha miisaaniyadeed, fursadaha cusub ee maalgelinta, iyo doorka ganacsiyada koraya ee gaarka loo leeyahay.