Sunday, September 22, 2024

Jabuuti oo u soo jeedisay K/Suudaan marin kale oo dhoofinta shidaalka ah

Juba (Dawan)- Jabuuti ayaa u soo jeedisay Koonfurta Suudaan marin kale oo dhoofinta shidaalka ah iyadoo xustay khataraha ka iman kara ku tiirsanaanta hal waddo oo kaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Koonfurta Suudaan.

Dhaqaalaha Koonfurta Suudaan ayaa si weyn ugu tiirsan dhoofinta shidaalka, iyada oo Suudaan usii mareysa suuqa caalamiga ah balse dagaalka Suudaan ayaa sababay inuu hakad galo dhoofinta Shidaalka, iyada oo dhuumanka qaada shidaalka ay soo gaartay waxyeello kala duwan.

Soo jeedintan waxaa gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Yuusuf, intii lagu guda jiray kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir, oo ka dhacay magaalada Jubba Arbacadii la soo dhaafay. Yuusuf ayaa muujiyay faa’iidooyinka laga heli karo horumarinta waddo cusub oo shidaalka ka dhoofisa Koonfurta Suudaan iyada oo loo marayo Itoobiya ilaa Jabuuti, isagoo carrabka ku adkeeyay in tani ay kor u qaadi karto isku xirnaanta dhaqaale ee gobolka.

Yuusuf sidoo kale waxa uu muujiyay taageerada Jabuuti ee ku aaddan in laga qaado cunaqabateynta saaran Koonfurta Suudaan, isagoo xusay baahida loo qabo in la dhiirigeliyo horumarinta dhaqaalaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koonfurta Suudaan, Ramadan Maxamed ,ayaa xaqiijiyay in uu helay fariin gaar ah oo uga timid Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, taas oo xaqiijineysa ballanqaadka Jabuuti ee ku aaddan nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Koonfurta Suudaan hadda waxay ku tiirsan tahay dhuumaha shidaalka ee la marsiiyo dalka Suudaan si ay u dhoofiso shidaalkeeda. Si kastaba ha ahaatee, colaadda ka socota Suudaan ayaa carqaladeysay dhoofinta shidaalka iyo dhaqdhaqaaqyada dhaqaale.

Soo jeedinta Jabuuti waxay siinaysaa Koonfurta Suudaan fursad badan oo ah marinnada dhoofinta shidaalka iyo in ay ka gudubto ku tiirsanaanta hal waddan oo ay haddaba ka jirto colaad aan la ogayn xilliga ay dhamaan doonto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here