Monday, July 14, 2025

Jabuuti Oo Xarun Cusub Ka Furatay Addis Ababa Si Kor Loogu Qaado Ganacsiga Gobolka

Addis Ababa (Dawan Africa) – Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti (DPFZA) ayaa si rasmi ah u furtay xafiiskeeda cusub ee Addis Ababa, Itoobiya, 4-ta Luulyo 2025.

Sida ay Hay’adda Dekedaha ku sheegtay qoraal ay soo saartay, asaaska xafiiskan ayaa astaan u ah horumarka muhiimka ah ee dekedaha Djibouti iyo goobaha xorta ah, isaga oo udub dhexaad u ah xiriirka Itoobiya iyo wadamada jaarka ah ee gobolka harooyinka waaweyn.

Xafiiska cusub ee Addis Ababa wuxuu kaalin muhiim ah ka qaadan doonaa fududeynta ganacsiga gobolka, gaar ahaan Itoobiya, oo ah dal aan bad lahayn, dekedaha Jabuutina ay  muddo dheer u ahaayeen marin muhiim u ah ganacsiga iyo saadka ee Geeska Afrika  si ay u soo dejisato  una dhoofiso alaabaha.

“Xafiiskan waxaa loogu talagalay inuu ka shaqeeyo Itoobiya iyo waddamada ku yaal gobolka ee Haraha leh , isagoo xoojinaya isku xirka iyo iskaashiga qaybaha ganacsiga iyo kaabayaasha,” ayay tiri Hay’adda Dekedaha.

Sidoo kale, xafiiska ayaa hoy u noqon doona qaybo kala duwan oo muhiim ah sida:

  • Terminalka Kontaynarrada ee Doraleh
  • Dekedda Doraleh
  • Dekedda Tadjourah
  • Goobaha Ganacsiga Xorta ah ee Djibouti
  • Iyo kuwo kale.


Tani waxay muujineysaa doorka sii kordhaya ee Jabuuti ee ku aaddan hogaaminta kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka iyo muhiimadda ay leedahay sidii lagu horumarin lahaa ganacsiga iyo isku-xirnaanta gobolka Geeska Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here