Beijing, China – Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Yonis Cali Guedi, ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, halkaas oo uu kulan kula yeeshay madaxda sare ee shirkadda China First Highway Engineering Co. Ltd (CFHEC), xilli uu ku guda jiro safarkiisa rasmiga ah ee Shiinaha.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Jabuuti kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee shirkadda CFHEC 1 May 2025, waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan wafdiga Jabuuti, oo ay ku jiraan Lataliyaha Farsamada ee Wasiirka, Mahdi Waberi Hassan, Agaasimaha Kheyraadka Dabiiciga ah, Aadan Hyd Ismaaciil, iyo sidoo kale wakiillo ka socday shirkadaha Salt Investment S.A. iyo Warshadda Dabaysha Ghoubet.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo baadi-goobka fursado cusub oo maalgashi oo la xiriira qaybta tamarta ee Jabuuti, taas oo Wasiir Guedi uu ku tilmaamay mid muhiim u ah madax-bannaanida dhaqaale ee dalka.
Shirkadda CFHEC, oo ah laan ka tirsan shirkadda weyn ee China Communications Construction Company (CCCC), ayaa muujisay rabitaankeeda ah in ay door ballaaran ka ciyaarto mashruucyada kaabayaasha Jabuuti, gaar ahaan dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Tamarta iyo Ururka Caalamiga ah ee Shidaalka Jabuuti (SIHD) ee ku taal aagga Energia Park.
Wasiir Guedi ayaa bogaadiyay xirfadda, hufnaanta iyo dadaalka shirkadda CFHEC, isagoo xusay in ay si weyn uga qayb qaadaneyso horumarka Jabuuti, wuxuuna mar kale xaqiijiyay in wasaaraddiisu ay u heellan tahay iskaashi waara oo labada dhinacba dan u ah.
CFHEC waa mid ka mid ah in ka badan 1,000 mashruuc oo ay maamusho shirkadda CCCC, taas oo haysata hanti dhan $30 bilyan, waxaana ay sanadkii 2024 qandaraasyo cusub ku heshay in ka badan $41 bilyan, iyadoo dakhligeedii hawlgalkuna gaaray ku dhawaad $18 bilyan.