Djibouti (Dawan)– Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Isniintii si rasmi ah u daahfurtay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee shanta sano ee soo socota (2025–2030), kaasi oo diiradda lagu saarayo horumarinta dhaqaalaha dalka, wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada, iyo xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Shir ballaaran oo ka dhacay caasimadda Jabuuti ayaa lagu soo bandhigay qorshahan qaran, waxaana guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha dalka jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed. Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin heer qaran, heer gobol, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah, oo uu ugu horeeyo Qaramada Midoobay.
Qorshahaan cusub ayaa lagu sheegay mid lagu dardargelinayo koboca dhaqaalaha, iyadoo xoogga la saarayo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, shaqo-abuurka dhalinyarada, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Wasiirka Dhaqaalaha Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh, ayaa sheegay in qorshahaan uu yahay mid wax ka beddelaya nolosha shacabka Jabuuti, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in dalka uu yeesho aragti fog oo horumarineed.
“Qorshahaan waa kii saddexaad ee Jabuuti ay hirgeliso, waxaana ku dhisannahay waayo-aragnimada laga helay labadii qorshe ee hore. Jamhuuriyadda Jabuuti waxay kamid tahay dalalka leh yoolal dhaadheer iyo qorshe istiraatiiji ah,” ayuu yiri Wasiir Ilyaas.
Wakiillada ka socday Qaramada Midoobay oo ka hadlay madasha ayaa ballan qaaday in Qaramada Midoobay ay si buuxda u taageerayso qorshaha horumarineed ee dowladda Jabuuti. Waxay xuseen in qorshahan uu yahay mid la jaanqaadaya himilooyinka horumar waara ee caalamka (SDGs), gaar ahaan marka la eego dhinacyada adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.
Daahfurka qorshahan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dunidu wajahayso xaalad hubanti la’aan ah oo dhanka dhaqaalaha ah, taasoo ay keeneen isbeddelo siyaasadeed, isbedbedelka cimilada, iyo caqabado amni oo ka jira meelo badan oo caalamka ah. Hase yeeshee, dowladda Jabuuti ayaa muujisay go’aan adag oo ku aaddan in aan laga harin horumarka, iyadoo qorshahani uu yahay mid sal u ah mustaqbalka dhaqaale iyo nololeed ee dalka.