Magaalada Jabuuti ayaa shalay si rasmi ah u martigelisay shirweynaha wadamada xubnaha ka ah Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), kaas oo looga hadlayay fursadaha iyo caqabadaha qaaradda ka hor istaagan is-dhaafsiga ganacsi.
Shirkan oo uu furay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Ganacsiga Jabuuti, Guddoomiyaha Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Xorta ee Jabuuti, Xoghayaha Guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, matalayaasha wadamnada qaaradda ee xubnaha ka ah Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika ,xubno ka tirsan xukuumadda Jabuuti, iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ee dalkaas.
Munaasabadda furitaanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, loona yareyn lahaa caqabadaha xuduudaha iyo siyaasadaha kala duwan ee u dhexeeya wadamada xubnaha ka ah ururka.
Shirweynahan ayaa sidoo kale ujeedkiisu ahaa in lagu soo bandhigo qorshayaal lagu horumarinayo dhaqaalaha gobolka, iyadoo wakiillada ka socda dalalka heshiiska ku jira ay ka wada hadlayaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ganacsi ee gudaha Afrika.
Dadka ka hadlay munaasabadda waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Xorta ee Jabuuti Aboubaker Omar Hadi, ayaa xoogga saaray meesha gaarka ah ee Afrika ay ku taal ee ah xarun gaadiid iyo loojistik caalami ah, taasoo ka dhigaysa buundo isku xirta Yurub, Aasiya, iyo Ameerika.
Guddoomiyaha ayaa sharaxay in awoodda Afrika ay ku jirto kheyraadka dhaqaalaha iyo dabiiciga ah ee muhiimka ah, oo ay ku jiraan 60% dhulka beeraha ee adduunka, keydka biyo nadiif ah oo badan sida webiyada Nile iyo Congo, iyo hodantinimo kheyraadka macdanta iyo tamarta.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in ganacsiga gudaha Afrika uu si aad ah ugu hooseeyo 17%, marka loo eego 60% Yurub iyo 70% Aasiya.
“Farqigan waxaa sababay dekedaha badda qoto dheer ee kooban iyo kaabayaal hoose oo liita.” Ayuu yiri abuukar Cumar haadi
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay sababtay in dhibaatada ganacsiga ee Afrika ay gaarto $84.78 bilyan, iyadoo aan awood lahayn in loo maareeyo maraakiib waaweyn, taasoo xaddidaysa suurtogalnimada ganacsiga badda ee Afrika.
Si loo xalliyo caqabadahaas, Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in la xoojiyo awoodda bini’aadamka iyada oo loo marayo waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha, kor u qaadista kaabayaasha dekedaha badda ,iyo dijitaleyntooda, garoomada diyaaradaha, iyo habraacyada kastamka.
Sidoo kale, wuxuu ku booriyay in la xoojiyo tareennada, wadooyinka, iyo dekedaha, iyadoo la waafajinayo siyaasadaha ganacsiga iyo ka saarista caqabadaha ganacsi ee Afrika. Dadaalladan, sida uu sheegay, ayaa muhiim u ah fureynta awooda weyn ee ganacsiga gudaha Afrika iyo dhisida qaaradda Afrika sidii ay ku niqon lahayd ciyaaryahan muhiim ah oo ka tirsan dhaqaalaha caalamka