Paris (Dawan)- Xildhibaanada Faransiiska ayaa Arbacadii kalsoonida kala noqday xukuumaddii la dhisay saddex bilood ka hor. Waa markii ugu horeysay tan iyo 1962 ee ay dhacdo in xukuumad laga laabto kalsoonida taas oo muujineysa hubanti la’aanta siyaasadeed iyo dhaqaale ee Faransiiska oo ah mid ka mid ah dalalka ugu muhiimsan Midowga Yurub.
Ka dib dood socotay saddex saacadood iyo bar, 331 xildhibaan ayaa taageeray mooshinka kalsoonida lagala noqday xukuumadda, iyadoo loo baahnaa 289 cod oo kaliya si loo meelmariyo mooshinka.
Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka, Yael Braun-Pivet, ayaa tiri: “Iyada oo la raaco mooshinka kalsoonida kala noqoshada ah … Ra’iisul Wasaaraha waa inuu u gudbiyaa is-casilaadda xukuumadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda.”
Madaxtooyada ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in Ra’iisul Wasaare Michel Barnier uu is-casilaaddiisa u gudbin doono Madaxweynaha subaxa Khamiista.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, oo dhawaan ka soo laabtay booqasho uu ku tagay Sacuudi Carabiya isla markaana la daalaa-dhacaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa shacabka, ayaa bilaabi doona wadatashiyo si uu usoo magacaabo Ra’iisul Wasaare cusub. Madaxtooyada ayaa sheegtay in Macron uu shacabka la hadli doono fiidnimada Khamiista.
Mooshinka kalsoonida lagala noqday xukuumadda waxaa taageeray xildhibaanada bidixda iyo xisbiga midigta fog ee National Rally oo kaashanaya xulafadooda, waxaana lagu sababeeyay arrimaha miisaaniyadda xilli Faransiiska uu la tacaalayo dayn aad u badan.
“Waxaan marqaati ka nahay maalin taariikhi ah. Waa markii labaad tan iyo aasaaska Jamhuuriyadda Shanaad iyo markii ugu horraysay tan iyo 62 sano in xukuumad la rido.” Sidaas waxaa tiri; Matilda Panot, oo ah madaxa xisbiga bidixda ee La France Insoumise
Barnier, oo ka hadlay kahor coddeynta, ayaa sheegay in Faransiiska uu sanad walba u qoondeeyo 60 bilyan oo Yuuro ah in lagu bixiyo adeegga daynta, taas oo ka badan miisaaniyadda loo qoondeeyo difaaca ama waxbarashada sare.
Xukuumaddan ayaa noqotay tii ugu cimriga gaabaneed tan iyo markii dastuurka Faransiiska la hirgeliyay sanadkii 1958.