Nairobi (Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Japan ayaa maanta kala saxiixday heshiis dhigaya deyn cafin dhan 14-Bilyan oo lacagta Japan ah, kana badan Boqol Milyan oo Dollar.
Munaasabadda heshiiska ayaa ka dhacday safaaradda Japan ee magaalada Nairobi, iyada oo ay kala saxiixdeen heshiiska Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo sii haya safaaradda Japan ee Kenya, Ogihara Hiroshi.
“Maanta waxaan wakiilka dowladda Japan Mr. Ogihara Hiroshi la saxiixday heshiiska dhameystirka hannaanka deyn cafinta” sidaas waxaa “X” kusoo qoray wasiirka maaliyadda.
Wasiirku waxa uu intaas raaciyay in tillaabadan ay daba socoto geeddi-socodkii deyn cafinta iyo heshiiskii Paris Club ee bishii Maarso ee sanadkan, kaasoo taageeray in deynta laga cafiyo Soomaaliya.
Bixii ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Japan taageeradooda hagar la’aanta ah ee ay uga qayb qaataan dib u habeynta iyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.
Deyn cafinta Japan ayaa kusoo aadeysa laba maalin kadib markii Mareykanku ku dhawaaqay inuu Soomaaliya ka cafiyay deyn dhan $1.14 billion.
Dowladaha ku bahoobay Naadiga Paris ayaa Soomaaliya ka cafiyay bishii March ee lasoo dhaafay deyn dhan 1.2 bilyan oo dollar , iyadoo la raacayo hannaanka hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka si loo dhimo culayska deynta ee saaran dalka Soomaaliya.