Tuesday, July 15, 2025

Jubaland oo ka hortimid tallaabada lagu dhisay ururka Cadaaladda iyo Wadajirka

Muqdisho – Madaxtooyada Jubaland ayaa si adag uga hadashay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo si gaar ah uga hadashay tallaabadii uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib ku dhawaaqistii ururka Cadaaladda iyo Wadajirka.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Jubaland ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu muujiyay xilkasnimo darro baahsan, isla markaana ku fashilmay hoggaaminta dalka, isagoo ku tilmaamay in tallaabadiisu ay horseedayso xaalad halis ah oo dalka ka taagan.

Jubaland waxay sidoo kale tilmaantay in tallaabada madaxweynaha ay si cad uga hor imaaneyso dastuurka dalka, isla markaana dhaawac weyn u geysaneyso midnimada Soomaaliya. Jubaland ayaa sidoo kale sheegtay in awooddii baarlamaanka la maroorsaday, taas oo ka dhigtay xildhibaannada labada gole kuwo fadhiid ah oo aan si hufan u gudan karin waajibaadkooda ilaalinta dastuurka iyo kormeerka xukuumadda.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri, “Waxaa si cad loo baalmaray doorkii labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, markii la maroorsaday dhammaan awoodihii uu lahaa, noqday fadhiid aan sidii la rabay u gudan waajibaadka ka saaran ilaalinta Dastuurka iyo korjoogtaynta Xukuumadda.”

Sidoo kale, Jubaland ayaa ku baaqday in si deg-deg ah loo qabto shir wadatashi qaran oo looga tashanayo badbaadinta dalka, iyadoo ugu baaqday dhammaan saamileyda siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan ilaalinta dowladnimada iyo midnimada qaranka. War-saxaafadeedka ayaa ugu dambeyn farriin u diray beesha caalamka, isagoo ku boorriyay inay qaadaan tallaabo deg-deg ah, si loo soo afjaro xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta, loona hubiyo in Soomaaliya ay ku socoto waddada nabadda iyo horumarka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here