Muqdisho (Dawan)- Waxaa qortay Xildhibaan Maryan Faarah Kaahiye
Waxaan cambaareynayaa sida foosha xun ee loogu tuntay Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Fadaaralka Soomaaliyeed. Arrinkaa waxaa ceebtiisa bilow ilaa dhammaad leh Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si bareer ah ugu tuntay dhammaan shuruucdii lagu soo doortay iyo xaraf walba oo buuga akhlaaqiyaadka dowladeed lagu qoray.
Ummadda Soomaaliyeed waxay la yaabtay in Madaxweynaha loo doortay JFS uu soo diro hadallo isburinaya,oo u muuqda kuwo shacabka lagu jaah-wareerinayo:bal eega intaas kaddib,Go’aankii Shirka laga soo saaray oo astaan cad u ah kala dirridda shacabkeena qaaliga ah iyo baab’inta shuruucdii wada oggolka lagu ahaa!
Mas’uuliyadda 2aad waxaa leh Labada Gole ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka oo ah wadnaha Dowladnimada;waxaa nasiib darro ah in Labadii Gole noqdeen Qalin gacanta Villa Soomaaliya ku jira. Waxaan aad ula yaabay qaar kamida Maamul Goboleedyada oo aqbalay in lagu tunto Dasaatiirtii lagu soo doortay iyo kuwa guud ee JFS.
Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin ugu soo dirayaa Jubbaland iyo Hoggaankeeda Axmed Maxamed Islaanm oo runtii ku dhiirraday in ay iska diidaan ku tumashada Dastuurka JFS iyo Dastuurka u yaal Jubbaland!
Sidaa si lamida,waxaan bogaadinayaa Saamileyda Siyaasadeed ee soo saaray diidmadooda qayaxan ee ku tumashada Dastuurka iyo taageeridda Go’aanka Jubbaland.
Waxaan baaq u dirayaa Senatorada Aqalka sare iyo kuwa Golaha Shacabka in ay ilaaliyaan Dastuurka lagu soo doortay ayna si dhab ah u diidaan damaca gurracan ee Villa Soomaaliya.