Wednesday, July 16, 2025

Kenya oo u baroor diiqayday warato lagu dilay mudaharaadyada dalkaas

KANGEMA(Dawan) – Magaalada Kangema ee bartamaha Kenya waxaa Jimcihii lagu aasay Boniface Kariuki, oo ahaa nin ganacsade ah oo wadada ku shaqeysta, kaasoo ay boolisku toogteen intii lagu jiray mudaharaadyo dhacay bishii la soo dhaafay.

Aaska ayaa waxaa kasoo qayb galay dadka deegaanka, qoyska, iyo wakiillo ka socday ururada bulshada rayidka, kuwaasoo cod dheer ku dalbaday cadaalad iyo isla xisaabtan la xiriira dilalka sii kordhaya ee mudaharaadka la xiriira.

Aaska Boniface Kariuki ee magaalada Kangema ka dib dilkiisa intii lagu jiray mudaharaadyadii kenya Bishii June 2025

Kariuki waxa uu ka mid ahaa dad badan oo boolisku ku toogteen markii ay Boolisku rasaas fureen mudaharaadyo ka dhan ah siyaasadaha cusub ee dowladda. Dhimashadiisu waxay noqotay mid ka mid ah kiisas badan oo dhaliyey caradii dadweynaha laguna ku tilmaamay  “naxariis darrada booliska iyo caburinta dawladnimo.”

Ururada xuquuqda aadanaha ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah ayaa cambaareeyay sida dowladda ay uga jawaabtay rabshadaha, iyagoo sheegay in boolisku si xad dhaaf ah uga falceliyeen mudaharaadka.

Aaska ayaa dhacay xilli ay sii xoogeysanayaan “muhadaraadyo ka dhan ah dowladda” oo ka socda guud ahaan dalka Kenya. Mudaharaadyada waxay dad badani ku sababeenayaan inay keeneen cadaadis dhaqaale, niyad-jab siyaasadeed, iyo cabashooyin muddo dheer soo jiray oo la xiriira tacadiyo lagu eedeynayo booliska.

Meelo badan ayaa dadka mudaharaaday ayaa xoog ku galay saldhigyo boolis, halkaa oo ay isku dheceen ciidamo hubeysan . Muuqaallo internet-ka ku faafaya ayaa muujinaya rabshado iyo xiritaano, taasoo sare u qaadaysa walaaca ku saabsan habka dowladda ay u wajahdo cabashada shacabka.

Intii lagu jiray mudaharaadyada xuska maalinta Saba Saba ee 7-da Luulyo, waxaa boolisku ku dileen 31 qof, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNCHR). Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in in ka badan 500 qof la xiray guud ahaan dalka.

Aaska Jimcihii ee Kangema waxaa goob joog ka ahaa wakiillo ka socday ururada bulshada rayidka kuwaasoo ku baaqay in la sameeyo baaritaano madax-bannaan oo ku saabsan dilalka, isla markaana dowladda laga rabo inay qaado mas’uuliyadda tallaabooyinka ciidamadeeda amniga.

Dowladdu weli kama aysan hadlin dilka Kariuki si gaar ah, mana jiraan wax war rasmi ah oo ku saabsan cid loo soo qabtay ama tallaabooyin ciqaabeed oo la qaaday.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Kenya ,oo ah hay’ad madax-bannaan oo ka shaqaysa ilaalinta xuquuqda aadanaha, ayaa ku baaqday in la ixtiraamo xeerarka sharciga iyo xaqa mudaharaad nabadeed, sida ku cad Dastuurka Kenya ee 2010.

Ururada xuquuqda aadanaha  waxay sheegeen inay sii wadayaan diiwaangelinta waxa ay ku tilmaamayaan in ay tahay “hab-dhaqan ku-talo-gal ah oo dilal sharci-darro ah iyo xiritaano aan sharciga waafaqsanayn”, gaar ahaan dhalinyarada ka soo jeeda deegaanada saboolka ah.

Mudaharaadyadan ayaa imaanaya xilli adag oo ku wajahan xukuumadda Madaxweyne William Ruto, oo wajahaysa cadaadis siyaasad oo sii kordhaya oo la xiriira isbeddelada dhaqaale, qiimaha nolosha oo sare u kacay, iyo eedeymo la xiriira hoos u dhaca dimuqraadiyadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here