Saturday, September 28, 2024

Kenya oo qiratay in dad lagu dilay bannaanbaxyadii ka dhacay dalkaas

Nairobi (Dawan)- Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u qiratay dhimashada iyo inay jiraan dad la la’yahay kuwaas oo lala xiriirinnayo dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda ee bilooyinkii la soo dhaafay gilgilay Kenya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Kithure Kindiki, ayaa Khamiistii u sheegay Guddiga Golaha Qaranka in 42 qof la dilay, iyada oo la waayay 132 halka la xiray 1,208 kale intii dibadbaxyadu socdeen.

Dibadbaxyada ayaa ka qarxay Kenya bishii Juun iyo Luulyo sababo la xiriira kororka canshuuraha ee ku jiray Sharciga Maaliyadda 2024, kuwaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 50 qof, sida ay sheegeen Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KHRC) iyo mas’uuliyiin kale.

Maamulka Madaxweyne William Ruto ayaa cadaadis xooggan kala kulmay habka uu u maareeyay dibadbaxyada, kuwaas oo sidoo kale sababay burbur hantiyeed oo baahsan.

“Waxaa jiray 42 kiis oo dad noloshooda ku waayey dibadbaxyadii dhalinyarada Gen-Z, 1,208 qofna waxaa loo xiray dibadbaxyadii ka dhacay guud ahaan dalka, waxaana weli socda kiisaska maxkamadaha iyadoo lagu soo oogay dacwooyin kala duwan,” ayuu Kindiki u sheegay guddiga, isagoo adkeeyay in dowladda ay ku dadaalayso in caddaaladda la horkeeno cid kasta oo mas’uul ka ah rabshadaha, iyadoon loo eegin cidda ay yihiin.

Wuxuu sidoo kale sheegay in 132 qof ay maqan yihiin, sida ay boolisku ku soo warameen saldhigyada guud ahaan dalka.

“Aniga iyo madaxweynahaba, waxaan caddeynay in xukuumaddan aysan taageersaneyn afduubka, dilalka sharci-darrada ah ama dad la waayo,” ayuu yiri wasiirka.

Marka laga hadlayo dilalka aan sharciyeysnayn ee dibadbaxayaasha, wasiirka arrimaha gudaha ayaa si degdeg ah u difaacay saraakiisha ammaanka ee rasaasta ku riday dibadbaxayaasha, isagoo sheegay in qaar ka mid ah kiisaska ay ahaayeen kuwo la isku difaacay, isaga oo tusaale u soo qaatay markii kumanaan dibadbaxayaal ah ay xoog ku galeen ayna gubeen qayb ka mid ah dhismaha baarlamaanka Nairobi.

“Haddii booliska aysan isticmaalin xoog rasaas ah intii ay socotay weerarka baarlamaanka, maanta ma heli lahayn Kenya sida ay tahay,” ayuu ku daray.

Dibadbaxyada ka dhacay Kenya, oo billowday bishii Juun, ayaa sababay caro xooggan oo dadweynaha ay ka muujiyeen kororka nolosha iyo siyaasadaha canshuuraha ee muranka dhaliyay ee Ruto.

Dibadbaxyada ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Nairobi, Kisumu, iyo Mombasa ayaa ahaa kuwo aad u xooggan, iyadoo shacabka ay waddooyinka isugu soo baxeen iyaga oo dalbanaya isbeddel dhaqaale, kuwaas oo markii dambe isku beddelay dibadbaxyo looga soo horjeedo Madaxweyne Ruto si uu xilka isaga dego.

Qirashaha dowladda ayaa yimid iyadoo cadaadis xoog leh uu kaga imaanayo ururrada bulshada rayidka ah iyo kooxaha xuquuqda aadanaha, kuwaas oo ku baaqayay in la helo xog hufan oo ku saabsan tirada dadka dhintay iyo kuwa maqan intii ay socdeen dibadbaxyada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here