Thursday, December 5, 2024

Khaatumo oo beenisay inuu jiro wadahadal dhax maray Somaliland

Sool (Dawan)- Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si cad u beeniyay warar lagu baahiyay warbaahinta, kuwaas oo sheegayay in Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo uu khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha cusub ee Somaliland si ay uga wada hadlaan arrimaha Ceerigaabo.

War-saxaafadeed kasoo baxay SSC-Khaatumo ayaa warkan ku tilmaamay mid aan “sal iyo raad lahayn”, ayna faafiyeen dad ay ku sheegeen inay la shaqeeyaan cadawga. Maamulka ayaa xusay in arrintan loo gudbiyay laamaha sharciga si baaritaan loo sameeyo, isla markaana caddaaladda loo hor keeno cid kasta oo ku lug leh faafinta wararka ” been abuurka ah”.

SSC-Khaatumo ayaa ku adkeysatay in aysan jirin, isla markaana aysan jiri doonin, xiriir toos ah ama mid dadban oo dhex mara Somaliland iyo Maamulka SSC-Khaatumo. Waxay Somaliland ku eedeeyeen dambiyo dagaal oo ka dhan ah shacabka iyo deegaannada SSC-Khaatumo, iyagoo ku tilmaamay in Somaliland tahay “maamul dhiigyacab ah”.

Maamulka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo uu ku dhaartay Axdiga Maamulka, kaas oo u dammaanad qaadaya difaaca sharafka dadka iyo dhulka SSC-Khaatumo, taas oo meesha ka saareysa in wadahadal ama gorgortan laga galo dhulka Maamulka SSC-Khaatumo.

SSC-Khaatumo ayaa shaaca ka qaaday inay weli u taagan yihiin difaaca taako kasta oo ka tirsan dhulweynaha SSC-Khaatumo. Waxay sidoo kale caddeeyeen inay ku adkeysanayaan halganka shacabka deegaanka ay muddada dheer soo wadeen, iyagoo diiradda saaraya mabaadi’da tiirarka u ah jiritaanka Maamulka SSC-Khaatumo.

War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xaaladda siyaasadeed ee deegaannada SSC-Khaatumo ay wali cakiran tahay, iyadoo dadka deegaanku ay taageero xooggan u hayaan mowqifka adag ee Maamulkooda ka qaatay Somaliland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here