Sunday, May 25, 2025

Soomaaliya oo uga digtay xujeyda jabinta xeererka xajka.

Abukar Osman

Maka, Sacuudiga – Khadar Xaaji Daahir, Guddoomiyaha Xafiiska Arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, ayaa la hadlay xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Sacuudiga, ayaa ku boorriyay inay raacaan xeerarka, ilaashadaan kaarka xajka, iyo inay hubiyaan in hawlaha xajka ay si habsami leh u socdaan, isagoo sidoo kale ka digay dhibaatooyinka qaar ee soo food saaray xujeyda.


hadalkiisa oo uu ka jeediyay magaalada Maka 18 May 2025, Khadar Xaaji Daahir ayaa ka digay in xujeyda Soomaaliyeed ay soo qaataan alaab aan loo ogolayn ama aysan lahayn, isagoo ka digay culeysyo ka dhasha haddii lagu xadgudbo xeerarka xajka. “Waan ka digaynaa in xujeyda Soomaaliyeed ay soo qaataan alaab aan loo ogolayn ama sababi karta dib u dhac iyo culeys,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale ku boorriyay xujeyda inay raacaan tilmaamaha laga soo saaray Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, isagoo sheegay in muhiimad gaar ah la siinayo socdaalka xujeyda iyo diyaarinta safarka si loo hubiyo inay dhammaan xujeydu si nabad ah u dhammeystirmaan xajkooda.

Hadalkiisa ayaa ku soo gabagabeysay ku boorinta xujeyda inay ilaashadaan kaarka xajka, maadaama ay muhiim u tahay socodsiinta xajka, wuxuuna sheegay in haddii kaarka xajka la waayo, xujeyda ay la kulmi doonaan dhibaatooyin badan. “Xujeyda waa inay ilaashadaan kaarka xajka mar walba,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina, Khadar Xaaji Daahir ayaa mahadcelin u diray shirkadaha xajka ee ka shaqeeya xujeyda Soomaaliyeed, isagoo ka rajeynaya inay sii wadaan dadaalkooda si xujeyda Soomaaliyeed ay si ammaan ah ugu dhammeystiraan xajkooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here