Mandheera (Dawan)- Magaalada Ceelwaaq ee ku taalla koonfurta Mandheera ayaa muddo saddex toddobaad ah wajahaysa xaalad adag oo koronto la’aan ah, taasoo saameyn weyn ku yeelatay nolosha bulshada iyo adeegyada magaalada. Xaaladdan ayaa timid kadib markii uu hakad ku yimid adeegga korontada ee shirkadda Kenya Power, taasoo keentay in magaalada ay gasho mugdi baahsan.
Shacabka magaalada Ceelwaaq ayaa soo cabashadooda u bandhigay shirkadda Kenya Power iyo xildhibaanada deegaanka ee Mandheeram hasa ahaaye, ilaa iyo hadda wax jawaab ah uma helin cabashadooda. Dadka deegaanka ayaa tilmaamay inaysan helin adeeg u qalma canshuurta ay bixiyaan taas oo keentay inay kharashaad kale ku bixiyaan adeegyo ay ahayd inay ka helaan dowladda.
Koronto la’aantan ayaa si gaar ah u saameysay xarumaha caafimaadka ee magaalada, kuwaas oo qaar ka mid ah ay curyaameen sababo la xiriira awood la’aanta tamarta. Sidoo kale, ganacsiga magaalada ayaa hoos u dhacay, iyadoo ganacsatada ay ku adkaatay inay sii wataan howlahooda maalinlaha ah.
Magaalada Mandheera ee xarunta maamulka ayaa sidoo kale wajahaysa xaalad koronto la’aan ah, iyadoo qaar ka mid ah xaafadaha ay helaan koronto si qeyb-qeyb ah, taas oo aan dabooli karin baahida koronto ee bulshada.
Mas’uuliyiinta korontada ee degmada Ceelwaaq ayaan ilaa iyo hadda ka hadlin xaaladda koronto la’aanta ee ka jirta deegaanka, taasoo dhalisay niyad-jab iyo walaac ku saabsan xallinta dhibaatada. Bulshada ayaa weli rajeynaysa in xal laga gaaro xaaladdan, iyagoo ku eedeeyay mas’uliyiinta inay dayaceen wax ka qabashada adeegyada bulshada ee loo igmaday.