Muqdisho, 22 Abriil 2025 – Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee berrito la qorsheeyay ayaa laga yaabaa inuu baaqdo sababo la tuhun sanyahay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe.”
Xildhibaan Saadaan Maxamuud Cabdi oo wareysi siiyay Dawan TV ayaa xaqiijiyay in kulanka berri, la qorsheeyay inuu dhaco, ay u badan tahay in uusan dhici doonin sababo uu xildhibaanka ku sheegay in ay wax ku xalaaleysanayaan. Xildhibaanku wuxuu eedeeyay Guddoomiye Aadan Madoobe inuu jabiyay shuruucda Baarlamaanka, taasoo keentay in mooshinka laga gudbiyo.
“Intaa waxaa dheer, in Baarlamaankii Soomaaliya , Sabtidii wixii ka danbeeyay labaajiyay, oo isniintiina la baajiyay, arabacada oo beri ahna uusan Baarlamaanku jirin , taasina waa sharci daro” ayuu yiri Xildhibaan Saadaan.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay mooshin ka xilka looga qaadayo gudoomiyaha golaha shacabka ay diyaarinyeen una gudbiyeen ku xigeenadiisa. Xaaladda siyaasadeed ee Baarlamaanka ayaa sii kacaysa, iyada oo ku dhawaad seddex sano oo Aadan Madoobe uu ku gudoomiye yahay uu marki ugu horeysay uu la kulmayo mooshin asaga ka dhan ah.
Iyada oo xaalada siyaasadeed ay sii kordheyso, indhaha ayaa si weyn u saaran yihiin Baarlamaanka Soomaaliya iyo sida ay uga jawaabi doonaan mooshinka iyo haddii codka kalsoonida laga qaadi doono Guddoomiye Aadan Madoobe.