Wednesday, August 6, 2025

Puntland oo Wareejinaysa Markabka MV Sea World iyo Shixnadiisa


Asha Elm
i
BOOSAASO (Dawan) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqday inay go’aansatay in ay ku wareejiso markabka MV Sea World iyo shixnadiisa Dowladda Turkiga, kadib baaritaanno lagu xaqiijiyay milkiyadda hantida saaran.

Go’aankan ayaa lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay Puntland, kadib kulan kudhexmaray magaalada Boosaaso Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş. Sida Puntland sheegaty kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrinta markabka oo ay Puntland gacanta ku haysay muddo labo toddobaad ka badan.

Markabkan ayaa markii ugu horreysay la qabtay 18-kii Luulyo 2025, kaddib markii ay Ciidanka Booliiska Badda Puntland (PMPF) ka joojiyeen xeebta Bareeda ee gobolka Bari.

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in go’aanka lagu wareejinayo markabka uu salka ku hayo dukumentiyo rasmi ah oo ay Dowladda Turkiga soo gudbisay, iyo baaritaanno gudaha ah oo lagu sameeyay markabka, shixnadiisa iyo diiwaangelintiisa.

Iyadoo la tixraacayo cadeymaha ay soo gudbisay Dowladda Turkiga iyo baaritaankii lagu sameeyay markabka iyo hantida saaran, Dowladda Puntland waxay go’aansatay in masuuliyadda buuxda ee markabka MV Sea World iyo wixii saaranba lagu wareejiyo Dowladda Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Dowladda Turkiga ayaa horey u sheegtay in markabka iyo shixnadiisuba ay yihiin hanti rasmi ah oo ay iyagu leeyihiin, waxaana arrintani ay abuurtay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysay Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo horay Puntland ugu eedeysay in “markabka si sharci darro ah lagu afduubtay.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan ilaa iyo hadda ka hadal go’aanka Puntland ee ah in markabka lagu wareejiyo Turkiga, inkasta oo horay Wasaaradda Dekedaha Federaalka ay arrintan u sheegtay in tahay “fal afduub ah oo ka dhan ah sharciyada caalamiga ah.”

Ma jirto faahfaahin rasmi ah oo laga bixiyay goorta rasmiga ah ee wareejinta dhici doonto, mana cadda in markabku si degdeg ah uga bixi doono dekedda Boosaaso.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here