Tadjoura, Jabuuti – Waxaa si rasmi ah loogu soo gunaanaday gobolka Jajoora kulanka sanadlaha ah ee culimada Tabliiqa, kaas oo sanadkan noqday mid ka mid ah kulamada ugu ballaaran ee abid lagu qabto gobolka, iyadoo ay kasoo qaybgaleen kumanaan qof oo kala yimid caasimadda, gobollada dalka, iyo meelo kale oo kala duwan.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in culimada Tabliiqa ay bulshada ku baraarujiso cabsida Alle, ku dhaqanka diinta Islaamka, iyo kor u qaadidda akhlaaqda wanaagsan.
Mudadii uu socday kulanka, culimada ayaa jeediyay wacdi iyo waanooyin taabanaya qalbiyada, kuwaas oo bulshada lagu dhiirrigeliyay in ay laabta u jeediyaan Alle, ka fogaadaan dunuubta, una dadaalaan wanaagga iyo midnimada ummadda Islaamka.
Amniga kulanka ayaa si buuxda loo sugay, iyadoo ciidamada ammaanka, gaar ahaan booliska, ay door weyn ka qaateen ilaalinta nabadgelyada iyo fududeynta isku socodka dadweynaha.
Kulankan sanadlaha ah ayaa leeyahay muhiimad gaar ah oo diimeed iyo bulsho, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Jabuuti.
Ururka Tabliiqa oo asal ahaan ka bilowday dalalka Pakistan, India, iyo Bangladesh, ayaa maanta si baaxad leh ugu faafay daafaha dunida.