Monday, July 21, 2025

La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa ku adkeysanaya inuu iscasilo

Muqdisho (Dawan) – La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa ku adkeystay in uu xilka ka tago oo uu iscaliso, inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu diiday inuu aqbalo iscasilaadda, sida ay ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Dawan.


Sida laga soo xigtay mas’uuliyiin arrinta la socota, la-taliyaha oo lagu magacaabo Xuseen Sheekh Muxiyadiin (Macallim) ayaa toddobaadkii hore si rasmi ah u gudbiyey warqaddiisa iscasilaadda, isagoo sheegay in uu ka cabanayo khilaafyo siyaasadeed iyo aragti kala duwanaansho ku saabsan jihada amniga dalka. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ka codsaday inuusan xilka ka tagin.

Hase yeeshee, Macallim ayaa ku wargeliyey xafiiska Madaxweynaha in go’aankiisu yahay mid kama dambeys ah oo aan laga noqonayn.

“Wuxuu warqadda iscasilaadda dul dhigay miiska Madaxweynaha. Madaxweynaha wuu diiday, balse La-taliyuhu wuu ku adkaystay,” ayuu yiri sarkaal sare oo dowladda ka tirsan, oo la hadlay Dawan isagoo codsaday in aan magaciisa la shaacin sababo la xiriira xasaasiyadda arrinta.

Inkasta oo Madaxtooyadu aanay weli si rasmi ah uga hadlin arrintan, ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in lagu guda jiro wadatashi ku saabsan cidda badali doonta.

Xuseen Sheekh Macallim waxaa xilka La-taliyaha Amniga Qaranka loo magacaabay bishii May 2022, isagoo bedelay Fahad Yaasiin. Wuxuu horey u ahaa Agaasimaha Machadka Hiraal ee Muqdisho—oo caan ku ah daraasadaha ku saabsan la-dagaalanka xagjirnimada iyo siyaasadaha amniga.

Iscasilaaddiisa waxay ku soo beegmaysaa xilli Soomaaliya ay wajaheyso caqabado adag oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dib u habeynta ciidamada Midowga Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here